Baarlamaanka Puntland oo go'aan kasoo saarey Doorashada 2019

Image

GAROOWE, Puntland - Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah [14-ka August] go'aan ka gaarey nooca doorasho ee ka dhici doonto Puntland 2019, xilli siyaasiyiin badana ay walaac ka muujiyeen dib u dhac iyo mudo korarsi.

Gudoomiyaha Aqalka Wakiiladda, Axmed Cali Xaashi ayaa Saxaafadda u akhriyay lifaaq cusub oo saamaxaya in doorashada 2019 u dhacdo nimaadka beelaha ee lagu soo xuli jiray Xildhibaanada tan iyo markii la aas-aasay Puntland 1998.

Baarlamaanka ayaa kahor inta uusan ku dhawaaqin lifaaqa kulan la qaatey, oo u yeeray Gudiga doorashooyinka Puntland, oo u jeediyay warbixin kooban, oo ay ku cadeeyeen in 2019 aysan dhici karin doorasho ku saleysan nimaadka xibiyada badan.

"Doodii maanta waxay kusoo gaba-gabowday in lifaaqii 3aad ee Dastuurka ee 2013 Baarlamaankan, Baarlamaankii ka horeeyay ay soo jeediyeen oo ay go'aamiyeen, in isagii dib loosoo cusbooneysiiyo kaasoo ahaa 8 qodob, qodobka 6aad oo ahaa in hakad la geliyo barnaamijka dimuqraadiyeynta, ee hakadku galay waxay dib u billaabayaan Xukuumadda cusub ee loo doortay hogaanka Puntland 2014, sidaasi ayay yiraahdeen, qododkaasi ayaan ku bedelnay inay shaqadoodu sii wataan, Mandate-kooduna usii socdo," ayuu yiri gudoomiyaha.

Lifaaqii hore ee dowladdii Madaxweyne Faroole ayaa soo baxay kadib markii siyaasiyiin badan, oo uu xilligaasi kamid ahaa Madaxweyne Cabdiweli Gaas ay kahor yimaadeen doorashada nimaadka xisbiyada badan ku saleysan.

Kadib markii uu Madaxweyne Gaas loo dooryay xilka 2014, ayaa waxa uu sameeyay balan-qaad ahaa in Puntland uu gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah, kana saarayo nidaamka qabaliga ee lagu soo xulo Xildhibaanada, taasoo hadda u muuqata mid Xukuumadiisu hirgelin wayday.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM