Baarlamaanka Puntland oo mowqif ka qaatay metelaada gobolka Banaadir

Image

GAROWE, Puntland – Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ayaa si cad uga hor-yimid xeerka metelaada gobolka Banaadir ee shalay uu meelmariyey Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka.

Mudaneyaasha oo warbaahinta kula hadlay magaala madaxda Garowe ayaa ku sifeeyay meelmarintaas mid aan sharci ahayn "maadaama Aqalka Hoose kaliya uusan awood u ahayn in uu xeer kasoo saaro qadiyadaas".

Dastuurka federaalka ee qabyadda ah ayay ka dhawaajiyeen in uu xeerinayo in labada aqal ee waddanka ay xeer wadajir ah kasoo wada saari doonan.

Xeerka uu meelmariyey Golaha Shacabka ee gobolka Banaadir siinaya 13 xubnood oo Aqalka Sarre ah ayay ku tilmaameen "mid dano siyaasadeed laga leeyahay". Villa Soomaaliya ayaa la fahansan yahay in ay riixeyso hindisaha.

"Sidda ka muuqata xeerkan la meelmariyey, waxaa caasimadii dalka ee Muqdisho laga dhigay meel cid gaar ah iska leh oo la leeyahay, mas'uuliyiinta dowlada federaalka ee gobolada kale ka yimid laga dhigayo marti oo aysan go'aan ku lahayn oo la leeyahay waxaa canshuurteenii cuna qolo hebel," ayuu yiri kamid ah sharci-dejiyeyaasha oo xoojiyey diidmada ka dhanka ah xeerkaas.

Fadhigii lagu mariyey waxaa isaga baxay qaar kamid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland oo xubnaha kale ku eedeeyay in ay ka sheegteen iskuna koobeen gobolka Banaadir iyo caasimadda waddanka.

Qodobka 72aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee federaalka Soomaaliya xeerinaya in xubnaha Aqalka Sarre ay yihiin 54 oo ku saleysan 18-kii gobol ee Soomaaliya, 1991-dii, waana metelaada dowlad goboleedyada.

Tani ayaa la macno ah in hadii loo baahan yahay in isbedel lagu sameeyo ay waajib tahay in la furo dastuurka, taas oo haatan meesha laga saarey.

"Hadii sida ay hadda wax u socdaan la damco in lagu socod-siiyo waa arrin uga sii dareysa dowladnimada Soomaaliya oo la ogaa meesha laga keenay, waxayna mugdi gelineysaa dowladnimada Soomaaliya," ayuu yiri mudane kale.

Sharci-dejiyeyaasha oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalo "qabiileysan" oo kasoo yeeray xubnaha u ololeynaya xeerka metelaada gobolka Banaadir ayaa meesha ka saarey in Puntland ay kasoo horjeedo xaqa gobolka.

"Balse waa in loo maraa sifo sharciga waafaqsan," ayay hadalkiisa kusoo gabagabeeyeen Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka dowladda Puntland.

Xeerka metelaada gobolka Banaadir waa mid kamida afar xeer doorasho kale oo xudun u ah is-mari-waaga iyo caqabadaha ku geedaaman doorashooyinka 2020-21, iskuna khilaafsan yihiin dowladda iyo maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM