Baarlammaanka Puntland oo ka gaabsadey inuu xiriirka u jaro DF [DHEGEYSO]

Image

July 12, 2015 (GO)- Xildhibaannada Baarlammaanka Puntland oo weli ku jira kal-fadhigoodii 35aad ayaa maanta soo gaba gabeeyey ka doodista qodobkii ku saabsanaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Markii ay dooddu si rasmi ah usoo idlaatay, waxay mudaneyaasha golaha wakiillada Puntland si wadajir ah usoo saareen go'aamo dhowr ah, waxaana ugu muhiimsanaa:

1: Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in  dastuurkii lixda saxiixayaal ansixiyeen uu yahay kii rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aanan sharci ahayn

2: Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray xeerarka Baarlamaanka Federaalku ansixiyeen ee aan lagala tashan dowladda Puntland sida uu qabo qodobka 111 ee dastuurka Dowladda Federaalku , in aysan sharci ahayn Puntlandna aqoonsan doonin..

3: Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray ineysan sharci ahayn, Guddiga Dib-u- Eegista Dastuurka , Guddiga Doorashooyinka, Guddiga Xaduudaha iyo Arrimaha Federaalka iyo in aysan xubnaha guddiyadaasi ka hawl geli karin Puntland.

4:-Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray in dhismaha dowlad-gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka Federaalka qodobkiisa 50- farqadiisa lixaad oo ah labo gobal iyo wax ka badan aanan waxba ka jirin Puntland aanayn aqoon-sanayn.

5:Baarlamaanka Puntland waxa uu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga kan xiga qodobaddaasi dowladda Federaalka inay wax ka badashay oo dariiqii saxda ahaa kusoo celiso iyo in kale.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, waxaana xusid mudan in maalinta berri ah uu magaalada Garowe kusoo wajahan yahay wafdi uu hoggaaminayo  Ra'isal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dadka siyaasadda Puntland ka faallooda ayaa aaminsan in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas dooneyn in xukuumaddiisu xiriirka u jarto Dowladda Muqdisho, arrintas ayaana sabab looga dhigayaa go'aanka baarlamaanka Putland dib u dhigey inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan xiriirka Puntland kala dhexeeya Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM