Barlamanaka Puntland Kalfadhigiisa 40aad oo Furmaya

Image

GAROOWE, Soomaaliya- Kalfadhiga 40aad ee Barlamanka Puntland ayaa ka furmaya maanta magalada Garoowe iyadoo ay ka qayb galayaan munasabadaas madax kala duwan ee ka socota Dowlada Federaalka iyo maamulkaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa furi doono kalfadhiga iyadoo dhinaca kale ka qayb gali doonaan labada Gudoomiye ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabada kalfadhiga oo la filayo in hadalo ka jeediyaan Gudoomiyaha aqalka sare iyo aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa waxaa dhinaca kale goob joog ah 50 Xildhibaan kuwasoo ka socda Golaha shacabka iyo Senate-ka.

Dhinaca kale waxaa magalaada Garowe ka socda kulamo u dhexeeya waftiga ka yimi Muqdisho ee labada aqal Barlamanka Soomaaliya iyo madaxda Puntland kuwasoo lagaga hadlayo sidii hay’adaha Dowlada uga qayb qaadan lahaayeen sidii nidaamka Federaalka loo baahin lahaa.

Kulamadaan ayaa sidoo kale waxaa lagaga hadlayey kulanka la filayo in 28 Oct, 2017 wada galaan Dowlada Federaalka iyo madaxda maamulada Soomaaliya kaasoo ka dhici doona magalaada Muqdisho.

Golayaasha Barlamanka gaar ahaan aqalka sare ayaa sameeyey guddi qayb ka noqda wadahadalkaas.

Madaxda Dowlada Federaalka ah ayaa inta badan ku sugan magalaada Muqdisho taasoo sababtey in hay’adaha dowliga ee Federaalka noqdaan kuwo shaqooyinkooda fadhiid yihiin.

Hay’adaha Dowlada Federaalka ayaa xafiisyo ku laheyn degaano ka baxsan magalada Muqdisho iyadoo qaar ka tirsan Wasiirada Dowlada ay waligood booqan magaalooyinka kale ee dalka.

Ra’isal wasaraha Soomaaliya oo waqtigiisa inta badan ku bixiya khudabdo dhaadheer uu ka jeediyo kulamada qaybaha kala duwan ee bulshada ku qabsadaan magalaada Muqdisho ayaan weli booqasho ku tagin inta badan maamulada Soomaaliya.

Guddomiye Jawaari oo isagu muddo 8 sano ah afhayeen u ahaa Golaha shacabka Soomaaliya ayaa booqashadiisa uu ku tagey Puntland maalintii shaley waxay aheyd middii ugu horeysay uu ku tago degaanadaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqashooyin gaaban ku tagey xarumaha maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug balse aan weli tagin maamulka Puntland iyo HirShabeele.

GAROWE ONLINE kala soco wararka furitaanka Kalfadhiga Barlamanka Puntland

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM