Barlamanka PL oo ka doodey xeerka Guddiga doorashada- Dhageyso

Image

Dec 6,2014 [GO]- Kadib markii Xukuumada Cabdiweli Cali Gaas u soo gudbisay Xukuumada Xeerka Guddiga Doorashada Puntland kaasoo loogu magac darey "WAX KA BEDDELID IYO DIB-U-HABAYN SHARCI LAMB. 1 EE SOO BAXAY 2DII JANUARY 2011 KUNA SAABSAN GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND” ayaa la horkeeney Barlamanka Puntland.

Xildhibaanada Puntland oo maanta bilaabey iney ka doodaan Xeerkaan maalmaha soo socda iyaga la filayo iney cod u qadaan si ay u ansixiyaan ama wax ugu badalaan qodobada qaarkood.

Xildhibaanda qaarkood ayaa sida ka muuqata doodaan diidey gabi ahaanba diidan yihiin in Xeerkaan la horkeeno Barlamanka madaama doorashadii hore la isku dayey iyagoo sheegey dad madax ah lagu laayey, halka Xildhibaano kale ku doodeen in wadanka ka jirto dhibaato dhaqaale oo culus iyo isagoo qaarkiis ku jiro gacanta Somaliland.

Waxaa xusid mudan in cinwaanka lagu qeexay in “dib u habayn” lagu sameeyey Xeerkii hore ee Guddiga Doorashooyinka, arrintaas oo la fasiri karo inay wax ka qaldanayeen Xeerkii hore. Haseyeeshee, markii si qotodheer loo qiimeeyo lana isbarbardhigo labada Xeer, waxaa cadaanaysa in qiyaastii 90% ay isku mid yihiin iyadoo Xeerka cusub uu yahay “copy” Xeerkii hore. 

Maxay ku kala duwan yihiin labada Xeer?

Xeerka cusub qodobada lagu kordhiyey waxay kala yihiin:

  • Qodobka 1aad: Wax-ka-beddelid iyo dib-u-habeyn sharciga Guddiga Doorashooyinka Puntland (oo ka kooban 1-qodob hoosaad)
  • Qodobka 10aad: Dawrka Wasaarada Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee ku wajahan doorashooyinka (oo ka kooban 3-qodob hoosaad)
  • Qodobka 9aad: Cinwaanka waxaa laga badalay “Xil ka qaadista Guddiga Doorashooyinka Puntland” waxaana loo badalay “Luminta xubinnimada Guddiga Doorashooyinka Puntland”
  • Qodobkaan waxaa lagu sameeyey isbadalo kala duwan. Xeerkii hore waxaa ku qornayd in xubin Guddiga ay xilka ku waynayso hadii ay ku kacdo “anshax xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo-dadweyne” qodobkaan waa laga saaray Xeerka cusub mana cadda sababta looga saaray qodobkaas muhiimka ah.
  • Qodobka 24-aad: Burin oo ka kooban labo qodob oo qeexaya in la buriyay “sharci iyo xeer kasta oo aan la socon karin amase ka horimaanaya xeerka”

Isbedelka lagu sameeyey Xeerkaan iyo xaalada Puntland Xeerka cusub oo iminka horyaala Golaha Wakiilada Puntland waxaa lagu sameeyey isbedel si awood aan sharci ahayn loo siiyo Wasaarada Dastuurka Puntland, tallabadaas oo khilaaf iyo isdhexyaac ka dhex abuuri doonto Xukuumada, Wasaarada Dastuurka, Golaha Wakiilada iyo Gudigga Doorashooyinkii markii la magacaabo.

Xukuumadii hore waxaa mas’uul uga ahaa nidaamka xisbiyada badan Dr Jimcaale, hasayeeshee doorkiisu wuxu waafaqsanaa sharciga waxaana jirtay wadashaqayn buuxda dhanka Wasiiru dowlaha Dastuurka iyo Guddigii Doorashooyinka KMG ee hore iyadoo haba-yaraatee aan lagu magacaabin xeerka gudahiisa awwodaha Wasiiru dowlaha.

Xeerkaan cusub wuxuu awooda siinayaana Wasaarada Dastuurka arrintaas oo u dhiganta in Guddiga Doorashooyinka (markii la magacaabo) uusan noqon doonin mid ka madax banaan Wasaarada Dastuurka iyo Xukuumada Dr Gaas, arrintaasna waxay khilaafsan tahay Dastuurka Puntland oo qeexaya in Guddiga Doorashooyinka uu ka madaxbanaan yahay Xukuumada.

Qodobka labaad waxa isweydiin mudan sababta looga saaray qodobka qeexaya in “anshax xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo-dadweyne” ay ka midyihiin waxyaalaha ay xubnaha Gudiga Doorashooyinka xilka ku waayi karaan.

Ugu danbeyn, xukuumadii Dr Farole waxay baajisay doorashooyinka Golayaasha Deegaanka 14 July 2013-kii ka dib markii kooxo siyaasad wata ay mudaharaad iyo buuq siyaasadeed ku fureen tijaabintii nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.

Tallaabadii Dr Farole qaaday waxay ahayd mid lagu ilaalinayo amniga iyo midnimada Puntland. Sidoo kale waxa xusid mudan in dadkii abaabulka, isku dirka bulshada iyo mucaaaradnimada hubaysan kala horyimid nidaamka xisbiyada badan ay maanta Dawlada Puntland ka hayaan xilal kala duwan sida Wasiiro iyo saraakiil.

Shacabka Puntland oo jecel nabada iyo horumarka uma baahna mana istaahilaan inay Dawlada Puntland ku talaabsato khiyaano iyo wax khilaaf horleh abuuri kara. Baarlamaanka Puntland waxaa looga fadhiyaa inay la xisaabtamaan Xukuumada si loo hubiyo in Gudiga Doorashooyinka uu noqdo mid madaxbanaan, magaacaabistiisa iyo waxqabadkiisana uusan abuurin khilaaf iyo isqabqabsi ka dhex bilowda Golayaasha Dawlada. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM