Barlamanka Puntland oo doortay gudoomiye cusub

Image

09 November, 2015(GO)-Xildhibaan Axmed Cali Xaashi, ayaa ku guulaystay doorashada Barlamanka ee ka dhacaysay maglada Garowe, isagoo hogaamiyay labo wareeg oo la galay.

Xaashi, ayaa horay u soo noqday gudoomiyaha Barlamanka Puntland, waxaana uu helay 41 cod, halka markii hore uu helay 40 cod.

Dhoobo-daareed oo ku soo dhawaa ayaa helay 22 cod, halka uu khasaaray hal cod oo qura.

Axmed Cali Xaashi ayaa noqonaya gudoomiyihii labaad ee yeeshaan mudanayaa Barlamanka Puntland, waxaana ninkan si aad ah ugu ololaynayay madaxweyne Gaas oo u arkayay shakhsiga kaliya ee la jaan qaadi kara xukuumadiisa.Waxaana 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu bixiyay lacago loo qaybiyay mudanayaasha Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM