Barlamanka Puntland oo su'aalo waydiiyey Wasaarada Maaliyada

Image

Sabti, Nov 22,2014 [GO]- Barlamanka Puntland ayaa su'aalo waydiiyey Wasaarada Maaliyada kuwaasoo la xiriirey sababha mushahraadka ciidamada dowlada iyo shaqalaha loo bixin waayey.

Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Farah iyo xubno ka tirsan Agaasinka Wasaarada oo ka jawaabayey su'aalahaan ayaa sheegey in dhaqaalo xumo wadanka foodsaartey sababtey in dowlada bixin wayday mushaharaadka waqtigii loogu tala galay.

Dhinaca kale Wasiirka Maliyada ayaa sheegey in dadaal ugu jiraan sidii dhaqaalaha soo gala dowlada Puntland kor loogu qaadi lahaa isaga oo xusey in bangiga aduunka "World Bank" laga yaabo inuu bixiyo dhaqaale lagu tageerayo shaqaalaha.

Wasiirka ayaa sheegey in isbadal lagu sameeyo Misaaniyada Puntland iyo iyadoo la diwaan galiyo shaqaalaha ay ku xiran in tageeradaas laga helo Bangiga Aduunka.

Wasiirka Maaliyada iyo Agaasinka horyimid Barlamanka Puntland ayaa qirey in mushahraadka iyo kharashaadka kale ee dowlada Wasaarada ku tahay dhib in la bixiyo waqtigii loogu talagaley madaama dakhliga soo gala dakada Bosaso hooseeyo.

Xildhibaanada Barlamanka ayaa dhinac kale codsadey in xukuumada iska laasho misaaniyada madaama aysan ugu dhaqmeyn sidii loogu talagaley.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa safaradii uu ku soo marey wadanka dibadiisa bilihii la soo dhaafey ku faaney in dhamaan ciidamadiisa iyo shaqaalaha qaateen mushahradkoodii islamarkana aysan jirin lacag lagu leeyahay xukuumadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM