Beesha Caalamka oo soo dhaweysay doorashada Madaxwaynaha cusub ee Puntland

Image

MUQDISHO, Somalia - Wakiilka Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo, ayaa hambalyo diiran udiray Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Dani iyo ku xigeenkiisa, Axmed Cali Karaash.

Mr Guyo ayaa ku bogaadiyay Gollaha Wakiilada, Odayaasha dhaqanka iyo Daneenayayaasha sidda hufan iyo sinaanta ah oo ay ku qabsoontay doorashada Madaxwaynaha iyo tan Baarlamaanka.

Ergayga ayaa kalsooni xoogan wuxuu ka muujiyay in hogaanka cusub uu dabaha uxaarayo siyaasad loo dhan-yahay, nabad, xasilooni, horumar iyo dibmuqraadiyadda ka hanaqaaday Puntland.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu dib-u-xaqiijiyay taageerida IGAD ee ku wajahan la shaqaynta maamulka cusub iyadda oo laga duulayo waxa danta u ah shacabka Puntland iyo guud ahaan midka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin waxaa loogu diray Madaxwaynaha cusub ee dowladda Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Raisedon Zenenga, oo ah ku xigeenka uqaabilsanaha UN-ka ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku amaanay Guddiga doorashooyinka DPL, kuwaasi oo hogaamiyay mid kamid ah doorashooyinkii ugu wanaagsanaa taariikhda maamulkaan.

"Waxaan rajeynayaa inaan si dhow ula shaqayno maamulka Madaxwayne Dani," ayuu yiri Zenenga, oo raaciyay "Waxaan sidoo kale ku bogaadineynaa Madaxwaynihii hore Cabdiwali Gaas, si nabad-gelyada ee uu ku wareejiyay xilka.

Saciid, oo 2014-kii soo noqday Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, ayaa guusha ku hantiyay wareegga 3aad ee cod-bixinta, isaga oo kaga guuleystay Asad Diyaano, kaasi oo helay 31 cod, halka Dani uu uruur-saday 35 cod.

Doorashadda mudane Saciid Deni ayaa noqotay mid loo riyaaqay, oo dalka iyo dibada laga soo dhaweeyay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ay hambalyo usoo direen shalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM