Booqashada Axmed Madoobe uga bilaabatay Garowe oo laga warbixiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxtooyada Jubaland ayaa tafaasiil dheeriya waxay ka bixisay booqashada uu madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] uga bilaabatay caasimada dowlada Puntland ee Garowe.

Axmed Madoobe oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo mas'uuliyiin kale oo goleyaasha dowlada ka tirsan.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Jubaland State House ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe uu Garowe kaga qeyb-geli doono kulamo looga hadlayo arrimo ay kmaid yihiin siyaasadda.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa la raaciyey: "Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan".

"Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxaa uu kulamo lagaga hadlayo Xaalada Dalka ee Siyaasada Amniga iyo Hormarka uu la yeelan doona Masuuliyiinta Puntland," ayaa lagu soo xiray.

Puntland iyo Jubaland ayaa aragti mideysan oo diidmo ah ka qaatay nooc doorasho oo kasoo baxay shirkii DhuusamareebIII kaasoo Madaxtooyadda Soomaaliya afduubatay kana soo saartay go'aano ka qoslinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM