Boosaaso: Askari toogasho ku dilay laba askari oo kale

Image

BOSAASO - Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen.

Askariga ayaa la sheegay in askarta geeriyootay uu rasaas ku furay iyaga oo kuwada jira hawlga ay amaanka ku sugayaan.

Saraakiisha ciidamada Badda Puntland oo la hadalay saxaafada ayaa sheegey in Askari dilka gaystey gacanta ku hayaan islamarkaana baarayaan sababta keentey inuu toogto labo Askari oo ka tirsan ciidamada.

Ciidamada Badda Puntland oo la aasaasey sanadkii 2010 ayaa waxay qayb ka yihiin hay'adaha amni sugida Puntland gaar ahaan gobolka barri halkaas oo xaruntooda ugu weyn ku taal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM