Bosaso: kooxo hubeysan oo soo weeraray bar

Image

February 7, 2015 (GO)- Kooxo hubeysan ayaa caawa soo weeraray bar-kantarool oo meel u dhow Hotel Panorama u taaley ilaalada taliye ku-xigeenka booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse.

Iska hor imaad xooggan ayaa dhex maray kooxdii weerarka soo qaaday iyo ilaalada taliyaha.

Faah faahin dheeri ah laga hayo khasaaraha, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online heleyso ayaa sheegaya in weerarka hal askari lagu diley labo kalena lagu dhaawacay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii weerarka soo qaadey hal nin laga diley mid kale oo dhaawac ahna ay qaateen.

Hotel Panorama waxaa ku dhow xabsiga weyn ee Gaal-shrie halkaasoo hadda kahor kooxo Al-shabab ka tirsani soo weerareen, waxaa sidoo ku dhow guriga uu degen yahay taliye ku-xigeenka ciidamda booliska Muxiyadiin Axmed Muuse.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii Al-shabaab weerar qorsheysan kusoo qaaddey saldhigga booliska Baalade oo masaafo aan badneyn u jira goobta caawa lasoo weeraray.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM