Buugga tira-koobka ragga iyo dumar oo lagu soo bandhigay Garoowe

Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Munaasibadan balaaran oo lagu soo bandhigayey buuga xog ururinta macluumaadka arrimaha haweenka iyo raga oo ay iska kaashadeen hirgelintiisa dowladda Puntland iyo Sweden ayaa shalay lagu qabtey magaalada Garoowe.

Waxaa ka qayb galay madax ka tirsan gollayaasha kala duwan ee dowladda Puntland, waxgarad, aqoon yahano, saraakiil ka socota hay'addaha maxaliga ah ee ka hawlgala deegaanada Puntland, haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ugu horeynba goobtaasi ka hadlay wasiiradda wasaaradda Haweenka iyo Qorsheynta Puntland.

Wasiiradda Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali oo ugu horeynba goobtaasi ka hadashay ayaa ku dheeraaday caqabadaha ugu badan ee soo wajaha haweenka, waxaana ay sheegtay in haweenka badankood ay bur buraan himilooyinka sababo la xiriira cadaadis xoogan oo kasoo wajahay dhanka bulshada kale.

"Gabadhii masoo gaadhayso inay noqoto Baarlamaan ama inay noqoto wasiir ama inay noqoto agaasime guud ama inay noqo Bussines Woman, meel dhexey ku baaba'aysaa meel dhexeay ku dhimanaysaa," Sidaasi waxaa tiri Wasiiradda Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali.

Marwo Maryan Axmed Cali ayaa sheegtay in odayaasha dhaqanka laga sugayo in ay kaalin wacan ka ciyaaraan door wacan oo ay ka qaataan haweenka isbadalada dhanka siyaadeed ee dalka Soomaaliya.

Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Qorsheynta Puntland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaalada xoogan ee ay wadaan haweenka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in laf dhabar ay u yihiin haweenku bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Shire ayaa sheegay in laga gubday haatan xiligii la duudsiin jiray haweenka Soomaaliyeed xuquuqdooda, isagoona xusay in mar xaladaha ay Somalia soo martay kamid yihiin in hablaha Soomaaliyeed takoor kala kulmaan waxbarashada xiliyadii hore.

Safiirka Sweden Andreas von Uexküll ayaa amaanay Wasaaradda Qorshaynta xogtan balaaran ee ay ka soo diyaarisay dhamaan qaybaha kala duwan ee Dowladda iyo Bulshada.

Safiirka oo u yimid Puntland ka qayb qaadashada furitaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Puntland ka caawiyaan waxyaalo kale duwan, ayna soo dhawaynayaan intaa inay ka sii kordhiyaan wadashaqaynta. 

War-Saxaafadeedka Wasaaradda Qorsheynta Puntland:

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta oo Talaado ah, 2da bisha 10 naad, daahfurtay Buug Gacmeedka Istaatistikada ee Dumarka iyo Ragga Puntland 2018.

Ugu horayntii Agaasiamha Guud ee Wasaardda Qorshaynta Xuseen Cabdi ayaa ka bixiyay warbixin kooban Buuga Gacmeedka soona dhaweey dhamaan marti sharafta.

Safiirka Wadanka Sweden Andreas von Uexküll ayaa amaanay Wasaaradda Qorshaynta xogtan balaaran ee ay ka soo diyaarisay dhamaan qaybaha kala duwan ee Dowladda iyo Bulshada, Safiirka oo u yimi Puntland ka qayb qaadashada furitaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Puntland ka caawiyaan waxyaalo kale duwan, ayna soo dhawaynayaan intaa inay ka sii kordhiyaan wadashaqaynta.

Wasiirka Wasaardda Qorshaynta Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in ay wax lugu farxo tahay gabdhuhu ina ay markii ugu horaysay uga horeeyaan wiilasha waxbarashada dugsiyada hoose iyo dhexe taasna muujinayso dadaalka bulshada Puntland ay ugu jirto sidii kor luugu soo qaadi lahaa gabadhaha.

Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahad celyaya Dowladda Swedan oo ah saaxiib dhow oo waxyaalo badan ka caawiyay Puntland. sidoo kale wasiirka ayaa u mahad ceshay Wasaaradda Haweenka oo qayb wayn ka ahayd suurtagalka soo saarita Buugaan.

Ugu danbayntii Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camey ayaa si rasmi ah u daahfuray Buug Gacmeedka Istaatistikada ee Dumarka iyo Ragga Puntland 2018. Hadaladii Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa: "Hadaadan garanayn inta dumar iyo Rag wadanka ku nool iyo waxa ay u baahan yihiin sidii hormar u gaari karnaa. waxaan Wasaaradda Qorshaynta kula dardaarmayaa marwalba inaa tiro koob dhab ah samayno si aan u helno xogtaan mid la mid ah oo aan ku salayno Hormarka Wadanka".

Waxaa shirka ka soo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camey, Safiirka Wadanka Swedan, Wasiirka Wasaaradda Qorshanyta, Wasiirdda Hormarinta Howeenka iyo Qoyska iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Buug Gacmeedka Istaatistikada ee Dumarka iyo Ragga ee maanta lugu daahfuray xarunta PDRC ayaa ah mid ahmiyad wayn u leh dhamaan bulshada Puntland gaar ahaana Dowladda Puntland iyadoo loo adeegsan karo in lugu saleeyo dhamaan go'aamada siyaasadeeda ee Dowladda.

Buuga Gacmeedka ayaa tilaamaamo kale duwan ka bixinaya iyadoo la is barbar dhigayo Dumarka iyo Ragga sida ay ugu kala horeeyaan Qaybaha Waxbarashada, Shaqaalaysiinta, Caafimadka, iyo Siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM