Cadaalad loo dalbay shacab uu Mareykanka "ku laayey" Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Meydka laba qof oo ku dhintay duqeyn Jimcadii ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari, Puntland, ayaa la helay Sabtida maanta ah, sidda ay sheegeen dadka degaanka.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRCOM] ayaa war-saxaafadeed uu soo saarey ku shaaciyey in saddex kamid ah argagixisadda Soomaaliya uu ku khaarijiyey howlgalkaas.

Bayaanka ayaa meesha looga saarey khasaaro rayid ah. "Balse waan baareyna haddey soo baxaan," ayay ku dareen. Geesta kale, laamaha amniga Puntland wali kama hadlin howlgalkan.

Saciid Abshir Maxamuud, oo kamid ah odayaasha degaanka Timirshe, oo ku dhow aaga weerarka cirka ah laga soo wariyey, ayaa u sheegay warbaahinta in raggaas ay yihiin shacab Xijiyeysato ahaa.

"Dhibtaas argagax badan baa ka dhacay..degaanka masoo gaarin hadda kahor," ayuu Maxamuud u sheegay VOA-da.

Shaqsiyaadka meydadkooda lasoo helay ayaa kala ah; Shabaab Maxamuud Barre iyo Ayaanle Maxamuud Ibraahim [Awaare].

Ruuxa dhaawaca ah ee xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo ayaa magaciisa isana lagu sheegay Maxamuud Maxamed Barre.

Maxamuud, oo ku sugan tuuladda Dhuula Dharaar, oo 7 KM u jirta Timirshe, oo gaabiga ku haysa Camaara, ayaa wuxuu ka warbixiyey qaabka ay wax u dhaceen.

"Annagoo xijiga iska guraneynay ayaa waxaa nagula soo riday Gantaal. Gantaalkaas ayaa nagu soo dhacay, labadii kale waa beegsaday anigana dhaawac baa isoo gaarey," ayuu ku sharaxay.

Isaga oo ka waramaya sida wejiga ayaa wuxuu raaciyay: "Meeshii qiiq iyo dhir jajabeysa, dhagax fifiinaaya xataa anigu waan qarsoomay magaratay dabadeedna aniga nafteydaa meel ugu guurtay".

Mar la waydiiyey hadii ay dhaayihiisu qabteen meydadka saaxiibadii ayuu ku daray: "Raggaasu waa gubteen, hilbahoodu waa gubteen, madaxooda meel baa laga soo qaadey mijiyaha meel".

"Laakiin anigu nin argagagaxsan oo musiibo dusha kaga soo dhacday baan ahaa," ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed.

Mr Barre oo ka jawaabaya hadii ay jirtay cid kale oo ka ak-dhoweyd ayaa xusay "Ma arkin. Jugtu oo dhacday, aduunku isku burburay, anigoo dhaawacmay, nafteyda in aan la cararo bey noqotay".

Xijeysatada ayaa kolkii uu Gentaalo soo dhacayey saarnaa Geed dushiisa. Barre ayaa wax xoogaa ka fogaa saaxiibadii geeriyooday inkasta oo saddexdooda ay dhulka kusoo dhaceen kadib duqeynta.

"Dabadeed waan kacay anigoo dhiiga iga dareeraaya. Lugtaas iyo labada gacan baa nabaradu igaaga dhaceen ka bacdina god igu dhowaa baan galay," ayuu yiri. "Godkii aan galay baa lagu soo riday".

Nasiib wanaag, waa uu ka badbaaday Gantaalka labaad. Xilli goor-sheegtadu lagu qiyaasay lixdii habeenimo ayuu godka kasoo baxay. Koox rag oo meesha tagtay ayaa soo qaadey dhaawaciisa iyo meydka.

Cadaalad

Nabadoon Ciise Jaamac Maxamed [Cawad] oo degaanada mashaqadu ka dhacday degan ayaa ku tartarsiiyey dowladda Puntland iyo xukuumada federaalka "in ay xuquuqdooda u soo dhiciyaan marxuumiinta".

"Waxaan codsaneynaa in dadkaas xuquuqdoodii ay helaan, qof walba wuxuu ka tegay caruur, xasaas, waalid iyo ehel," ayuu yiri. "Dadkii laayey shacabkaas waa in xuquuqda marxuumiinta [laga soo qaadaa]".

Wadar ahaan caruurta ay Shabaab iyo Ayaanle ka tageen ayaa lagu tilmaamay in ka badan tobban oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Mid kamid ah ragga dhintay ayaa todobaadkii hore ka tagay Boosaaso oo uu geeyay xaaskiisa oo xaamilo ah. Dhakhaatiirta waxay sheegeen in ay sido mataano – oo mid kmaid ah meyd yahay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa waxaa laga soo xigtay in qorshuhu yahay in haweenayda qaliin lagu sameeyo afar bilood kadib si looga soo saaro cunuga meydka ah iyo ubadka kale ee nool.

"Wuxuu u baxay in uu xijida tago oo wax kasoo jaf-jafto oo waxa uu kasoo helo uu gabdha ku daaweeyo meeshii buu ku go’go'ay oo hilbihiisii saaka laga soo uruur-shey," ayuu nabadoonka raaciyey hadalkiisa.

Sidda lagu sheegay warbixin ay dhowaan daabacday Amnesty International, sare u kaca weyn ayaa ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay duqeymaha Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ee rayidka ay wax ku noqdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM