​Cadde Muuse oo Bosaso lagu aasay [AKHRISO TAARIIKHDIISA]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynihii hore maamulka Puntland General Maxamud Muuse Xirsi (Cadde), ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay degmada Bosaso ee gobolka Bari, halkaas oo ay galinkii hore saaka keentay diyaarad lagasoo saaray magaabada Dubai ee xarunta dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland iyo Guddoonka Barlamanka Puntland, ayaa garoonka diyaaradaha Bosaso ugu tagay diyaaradda siday maydka Marxuumka, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo gaar ah oo ka qayb qaadanayay Aaska Qaran ee Cadde loo sameeyay.

Marxuumka ayaa markii dambe lagu aasay magaalada Bosaso iyadoo ay kasoo qayb galeen golayaasha dowladda, shacabka iyo duubabka dhaqanka kuwaasoo si midaysan tacsi uga diray geerida ku timid Madaxweynihii hore.

Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) oo ay hooyo utahay Naado shire waxaa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1937kii, halkaasi ayuu ku bilaabay aqoontii diiniga ahayd iyo qur’aanka , waxaana uu dugsiga sare waxbarashadiisii qaatay intii udhaxaysay sanadihii 1954-58dii, kadibna 1959-61dii waxaa dalka talyaaniga loogu diray kuliyad ciidan oo ah layli sarkaal.

Sanadkii 1962-63 Cade muuse waxaa uu isla dalka Talyaaniga ku qaadanayey kuliyada sharciga, sanadkii 1967-69 waxaa loogu daray kuliyada sharciga saraakiisha ciidanka. Sanadkii 1975-76 waxaa uu dalka Ruushka uu u aaday kuliyada Istaraatijiyada ciidamada.

Shaqooyinka uu soo qabtay;

1963-65tii isagoo sarkaal ah ayuu kusoo laabtay dalka waxaana uu noqday Xoghaya Taliyaha Cidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

1965-67 Waxaa uu noqday Taliyaha ururka Horseed

1970-72 Waxaa uu noqday Taliyaha qaybta 21aad ee ciidamada xooga dalka.

1972-73 waxaa uu noqday Taliyaha Hogaanka Tababarada Ciidamada xooga dalka .

1974-75 Waxaa uu noqday Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.

1976-78 Waxaa uu noqday taliyaha ciidamada safarada soomaaliya ee Kenya

1978-79 Waxaa kaaliye taliye uga shaqeynayey dalka China

179-81 Waxa uu ka midnoqday masuuliyiinta safarada Canada u joogta Soomaaliya.

Wuxuu kasoo midnoqday saraakiishii SSDF .

Markii dalku burburay AHUN Cade muuse waxaa uu noqday dadka qurbaha ku nool , waxaa markii danbe kusoo laabtay Puntland 2002dii waxaa uu ka qaybgalay arimihii uheshiisiintii AHUN Cabdulaahi Yuusuf iyo Jabhadii JPP, 2004tiina waxaa ka shaqeynayey dib shirkii dib uheshiisiinta iyo doorashadii Soomaaliya.

2005-waxaa uu noqday Madaxweynaha Puntland kadib markii uu 35cod kaga guulaystay Madaxweynihii talada siihayey xiligaasi Maxamed Cabdi Xaashi oo helay 30 cod.

2005-2008 AHUN Cadde waxaa uu ahaa Madaxweynaha Puntland waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah mashaariicda macdan baaris oo uu sameeyay, hirgelinta maxjaro , doorkii uu ka qaatay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso iyo in uu ahaa shakhsi jecel in uu iskuwado dadka oo dhan.

08-02-2017 ayuu ku geeriyooday Imaaraat-ka oo uu mudo ku xanuusnaa , waxaa uu ifka uga tegay 4caruur ah oo ah labo wiil, labo gabdhood iyo hal xaas.

Bahda Garowe Online ayaa tacsida la wadaagaysa qoyska iyo dhammaan umadda Somaliyeed ee marxuumku ka baxay anagoo EEBBE uga baryayna inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM