Camey oo ka dayriyay dhaqaalaha Puntland [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dhaqaalaha Puntland ee maanta isagoo u sababeeyay dagaallada ku furan maamulkan.

Isagoo todobaadkan ka qayb galayay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in kabadan 100 Arday oo ka baxday Machadka Dr. Axmed ee magaalada Garoowe, ayuu sheegay in dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhacay mudadii ay joogeen xafiiska.

Isagoo ka jawaabayay codsiga uga yimid maamulka dugsigaas, wuxuu sheegay inaysan awoodin dhaqaalaha lagu dhisayo iskuul uu yeesho machadkaas, balse hadii mar kale la doorto ay ku dedaali doonaan sidii ay uga jawaabi lahaayeen codsigaas.

“Runtii howl baan rabaa inaan in yar ka iraahdo waa codsiga Machadka iyo walaadiinta Dr. Axmed College anaga waad na ogtihiinoo waqtigayagii waa iska gabaabsi hada hadii aan ballanqaadana waxaan ka cabsanayaa inaan ku beenoobo, laakiin codsigiina hadii aad nasoo celisaan waxbaan ka qabanaynaa, hadii aad nasoo celin weydaana anagoo shakhsiyaad ah baan wax idin kala qabanaynaa marnaba ku hongoobi maysaan,” Ayuu yiri Camey.

Mar uu faah faahinayay sababta keentay in dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhaco wuxuu ku sheegay dagaallo ku furnaa mudadii ay xafiiska joogeen gaar ahaan kuwii ay la galeen, Shabaab, Daacish iyo maamullada dariska la ah.

“Laakiin waxaan dareemayaa tani waa iska liic-liicaysaaye dhaqaale laga sugaa inaanu jirin, idinkaa dhaqaale la idin ka doonayaa doollarka aad bixisaan wuxuu caawinayaa halganka ay ku jirto Puntland ee dalka lagu xoraynayo,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo hadalkiisa kusii daray ,” Dowladeenu Harag Shabeel bay huwantahaye dhaqaale la idiin sheegaa ma jirto.”

Wuxuu qiray in dagaallada socdaaye ay baabi’inayaan dhaqaalaha Puntland kuwaasoo ay ku jireen afartii sano ee lasoo dhaafay sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalku wuxuu dhaqaalaha u gubaa sida dabku Xaabada u gubo, waxkasta oo aan ahayn dee dagaal baynu ku jirnay anagana intii nala doortay Afar Sano iyo ja-jab bay ahaydoo hal mar maanu neefsan ama Shabaab baanu kula dagaallamaynay Suuj iyo Garmaal, ama Daacish baanu la dagaallamaynay ama Dariska ayaanu la dagaallamaynay inkastoo aan ku faraxsanahay dariska qaar inaanu ka heshiinayoo walaalo nahayoo maanta gacanta is haysano, qoladaa kale ee Waqooyi Galbeedna waxaan leeyahay war walaaltinimada yaan laga tagin,” Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Camey.

Ugu dambayn wuxuu sheegay in nabad ka dhalataa gobolka Sool aysan sii jirayn inta ciidamo katirsan maamulka Somaliland ku suganyihiin dhul ka tirssan Puntland.

Hadalka Camey ayaa kusoo aadaya xilli dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhacay mudadii ay xafiiska joogeen kuwaasoo loo sababaynayo Dagaalo ka dhacay maamulkan iyo musuq-maasuq gaaray heerkii ugu sareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM