​Cawad oo la kulmay guddiga joogtada ah Barlamanka Puntland [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad oo xalay soo gaaray magalada Garowe, ayaa la kulmay guddoonka sare iyo guddiga joogtadaha ah ee Barlamanka Puntland kadib kulan ka dhacay xaruntooda Garowe.

Shirkan oo saxaafaddu dibadda kajoogtay, ayaa looga hadlay arrimo la xiriira socdaal guddoomiye ku-xigeenka Somalia iyo shirka looga hadlay dastuurka dalka ee lagu wado in magalo madaxda Puntland ka qabsoomo dabayaaqada bishan.

Kulankaasi kadib waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Mahad Cabdalla Cawad, iyagoo sharaxaad ka bixiyay wixii laga wadahadlay.

Xaashi, oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin imaanshaha guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka Somaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay inay kawada hadleen arrimo la xiriira shirka ka qabsoomaya 26 bishan magalada Garowe oo uu xusay inay u diyaar garoobeen.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka dowladda Federalka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad, ayaa mahadcelin u soo jeediyay golaha sharci dajinta Puntalnd, wuxuuna dastuuriyan xusay inay muhiimtahay qabsoomidda howshan kahor intaysan dhicin Xildhibaanada hadda jooga, isagoo ka digay inuu dalku galo dhibaato dastuur oo uu tilmaamay inay adagtahay xal laga gaaro.

Cawad, wuxuu safarkiisa Garowe ku macneeyay inuu yahay qaabkii uu indha indhayn ugu samayn lahaa shirkaasi qaabka loogu diyaar garoobay, maadaama uu xusay inay imaan doonaan wufuud aad u badan, wuxuuna howshan sheegay inay iska kaashanayaan dowladda Somalia iyo beesha caalamka, halka Puntland loo xilsaaray fududeynteeda.

Sannadkii 2012, ayay ahayd markii Dastuurkan ansixiyeen ergooyin la soo xulay, waxayna cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen kulan qaatay 9 maalmood oo dhacay bishii Augusto ee sannadkaasi, balse waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay qabyo qoraal maadama uusan marin afti dadweyne.

Puntland ayaa dhawr jeer oo hore cabasho xooggan ka muujisay marxaladda uu ku suganyahay iyadoo dowladda Federaalka ku eedaysay inay wax ka badal ku sameeyeen qodobadii waqtigaasi la ansixiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM