Ciidamada Puntland iyo Daacish oo ku dagaallamay gobolka Bari

Image

BOOSAASO, Puntland- Mallayshiyaad katirsan ururka Daacish ee ku sugan gobolka Bari ayaa xalay saq dhexe weerar kusoo qaaday fariisin ay lahaayeen ciidamo katirsan Puntlan doo ku sugan nawaaxiga degmada Qandala.

Wararka laga helayo weerarkaas ayaa sheegay in iska hor imaad muddo socday uu dhexmaray Daacish iyo ciidamada Daraawiishta ee Guuto Bari ee ku sugan Tuulada Canjeel oo qiyaastii 40KM u jirta degmada Balidhidin ee gobolkaas.

Sida uu sheegay taliska ciidamadaas oo la hadlay VOA, waxay iska difaaceen weerarka Daacish oo laga soo qaadey ilaa saddex jiho oo kala duwan, kaasoo sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex qof oo shacab ah.

"Daacish ayaa nasoo weerartay xalay abaare 01:00am saddex jiho ayayna naga soo weerareen," sidaas waxaa yiri taliyihii ciidamadaas Fowsi Xasan Ismaciil. 

Taliyaha ayaa hadalkiisa kusii daray, "Hal wiil ayaa nooga dhintay waan iska daafacnay weerarkaas, labo gabdhood oo shacab ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay oo mid kamid ah uga dhacday xabaddu Misigta, tan kalena gacanta wiilna wuxuu qabaa dhaawac sahlan."

Fowsi Xasan oo sii hadlayay wuxuu sheegay in weerarkaas khasaare kasoo gaaray kooxda Daacish, "Iyagana dhaawac ayaa gaaray ma garan karo saddex iyo labo mid ay ahaayeen wayna qaateen waana ku raad-joognaa."

Waa weerarkii 2aad ee ururka Daacish garabkiisa ku sugan gobolkiisa Bari ay ku qaadaan tuulada Canjeel.

Weerarkaan ayaa sidoo kale ku soo beegmey xilli ciidamada Puntland dagaal kula jiraan ciidanka Somaliland kuwasoo sanadkaan horaantiisa qabsadey Tuulada Tukaraq.

27 October, 2017 ayay ahayd markii mallayshiyo hubaysan oo la sheegay inay katirsanyihiin Daacish xilli habeenimo guri ku yaalla Tuulada Canjeel ay ku dileen hooyo iyo wiil ay dhashay oo 15 jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM