Ciidamada Puntland oo iska caabiyey weerar ay soo qaadey Somaliland

Image

GAROWE, Puntland - Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa shaaciyey in cutubyo kamida xoogaga dowladda ay iska caabiyeen weerar arbushaad ah oo ka yimid Somaliland.

Duulaanka oo lagu beegsaday kolanyo galbineysay Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa galabnimadii Talaadda ka dhacay duleedka tuulada Damalla Xagarre ee gobolka Sanaag.

Saraakiisha oo tibaaxay in iska hor-imaadka uu muddo socday ayaa sheegay in ciidamada Hargeysa ee gulufka soo qaaday lagu celiyey degmada Yubbe oo ay kolkii hore kasoo baxeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse lama xaqiijin illaa iyo haatan tirada saxda ah ee labada dhinac soo kala gaartay.

Wafdiga wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa si nabad-galyo ah ku tegay Damala Xagarre oo ay kusii jeedeen si ay kormeer ugu sameeyaan Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaasi oo illaa iyo haatan kasoo baxay taliska ciidamada maamulka gooni isu taagga ah ee fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa xili Muuse Biixi Cabdi ka sheegay dabaaldegga 18-ka May in maamulkiisa uu doonayo deris wanaag iyo nabad kula noolaanshiyaha Puntland.

Sikastaba ha ahaatee, gobolka Sanaag ee waqoyga Soomaaliya ayaa waxaa gacan ku hayntiisa isku haya Puntland iyo Somaliland, kuwaasi oo qaybo ka kala aramiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM