Ciidamadii Gaadoodsanaa oo ka baxay xarunta Barlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo gadoodsan oo saacado kooban gacanta ku hayay xarunta Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa faarujiyay goobtaas kadib wada-hadal ay la galeen duubabka dhaqan gobolka Nugal.

Ciidamadan oo ku gacan sayray dalabyo uga yimid saraakiishooda ayaa markii dambe qaatay codsi uu usoo jeediyay Islaan Ciise Islaan Maxamed, kaasoo ka dalbaday ciidamada inay furaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Islaanka ayaa ciidamada gadoodsan ku qanciyay inay iska soo saaran guddi kaasoo uu kala shaqayn doono sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Arrintan ayaa keentay in ciidankan iyo gaadiidkooduba dib ugu laabtaan saldhigyo ciidan oo ku yaalla caasumadda Putland.

Tallaabadan ayaa daba socota codsi horay saraakiil ciidan ugu gudbiyeen guddiga amniga ee Barlamanka Puntland taasoo keentay is faham waa kadib markii Madaxweyne Gaas soo diray xubno wasiirro ah oo ka shaqeeynayay sidii guuxaas loo damin lahaa.

Sida horay u daabacay Warsidaha Garowe Online dalabka saarakiishaas ayaa Guddiguu fadhi ka yeesheen iyagoo markii dambe isku raacay in loo yeero Madaxda Puntland si wax looga weydiiyo.

Isla waqtigaas Guddoonka Barlamanka Puntland, ayaa Madaxweyne  Gaas u gudbiyay dalabka Xildhibaanada kaasoo markii dambe keentay inay shirar kala duwan dhex-maraan Wasiirrada Bosaso lagasoo diray, Saraakiisha Ciidamada iyo Xildhibaanada, kuwaasoo isku fahmi waayay qaabka loo marayo dalabka ciidamada.

Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas ayaa ku fashilantay inay maarayso xuquuqda ciidamada iyo shaqaalaha dowladda xilli si joogta ah loo qaado canshuurta islamarkaana dakhliyo kala duwan soo xaroodaan.

Lama oga sababta loo bixin waayay xuquuqaha is-biirsaday ee mudada dheer ka maqnaa, waxaase kharashaadka ugu badan dowladda Gaas ku bixisaa safarrada joogtada ah iyo loollankii siyaasadeed ee ka socday Somalia.

Ciidamada maanta qabsaday xarunta Barlamanka ayaa waxaa ka maqan ku dhawaan 6 bilood oo mushaharaad iyo xuquuqo kale isugu jira.

Waxay sidoo kale ka cabanayeen daryeel la'aan haysata ciidamadooda ku dhaawacmay dagaalladii lala galay Al Shabaab iyo kuwii ka dhacay Galkacyo.

Madaxweyne Gaas, ayaa waqtigii uu ku jiray loollanka doorashada 2014, wuxuu ku ballan qaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha musuqa islamarkaana uu si joogto ah u bixin doono kharaashaadka dowladda, balse taas badalkeeda waxay noqotay in magaalooyinka waaweyn ee Puntland hareeyaan gaadoodyo ciidan oo lagu qabsanayo xarumaha dowladda ee muhiimka ah.

Qorshahaas ayaa noqday kan kaliya ee ciidamadu xuquuq ku heli karaan, waloow aan loo dhammaystirin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM