Ciidamo Maraykan ah oo ka qayb qaatay hawlgalkii Galgala

Image

October 3, 2014 (GO)- Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka ayaa ka qayb qaatay hawlgalkii labo maalmood kahor Al-shabab looga sifeeyey saldhiggii ugu weynaa ee kooxdaasi ku lahayd buuraleyda Galgala.

Ila wareedyo ka agdhow laamaha ammaanka Puntland  ayaa Garowe Online u xaqiijiyey inay hawlgalka ka qayb qaateen ku dhowaad 50 askari oo Maraykan ah kuna qalabeysan hub culus iyo gawaarida dagaalka ee gaashaaman.

Askarta Maraykanka oo ay horkacayaan saraakiil khibrad sare leh waxay ciidamada Puntland intii uu hawgalku socdey gacan ka siinayeen dhanka sirdoonka, isgaarsiinta, miino baarka iyo istaraatiijiyadda dagaalka.

Waa markii ugu horreysey oo ciidamada Maraykanku si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Puntland kula jirto kooxda Al-shabab oo fariisimo ka samaysatay buuraleyda Golis kadib markii laga saaray deegaano badan oo Koonfurta Soomaaliya ku yaal.

Maraykanka oo qaybo kamid ah ciidamada Puntland si gaar ah u taageera, gaar ahaan ciidamada PSF (Puntland Security Forces), wuxuu xukuumadda Cabdiweli Gaas cadaadis xoogan ku saaray in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabab, waana sababta xilligan kusoo beegtay hawlgalka laga sameeyey Galgala.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo Maraykanka iyo Puntland ka qabaan in firxadka Al-shabab ee kasoo cararaya Koonfurtu soo gaaro deegaanada Puntland, gaar ahaan buuraleyda Golis oo ah dhul ay gabbaad fiican ka heli karaan.

Laga soo bilaabo markii la diley hogaamiyihii hore ee Al-shabab September 05,2014 waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka Puntland, iyadoo cabsi laga qabo in kooxdaasi weerarro argagixiso ka fuliso gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM