Ciidamo qabsaday Kastam ku yaalla Magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo Gadoodsan oo ka cabanaya Mushahar la’aan ayaa la wareegay gacan ku haynta Kastam Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku leedahay Kantarolka Koofur Galbeed ee magaalada Garowe.

Goob jooge la hadlay GO, ayaa u xaqiijiyay in ciidamadu qabsadeen xarunta iyagoo sheegay inay ka maqan tahay xuquuq isugu jirta mushahar iyo gunnooyin ku maqan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiwali Gaas.

Ciidamadan ayaa dhawaan qabsaday xarunta Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe, waxayse markii dambe uga tageen wada-hadal iyo ballan qaad ku aadan inay heli doonaan xaqooda.

Arrintan ayaase timid markii Maanta hogaanka ciidanka daraawiishta Puntland, ay sheegeen inay ka maqan tahay xuquuq dhan 30 bilood, waxayna sheegeen in ciidamada gobollada Nugal, Cayn iyo Sool ay yihiin kuwa mudadaas aan mushaharka helin.

Tallaabadan ayaa loo aanaynayaa inay timid markii Barlamanka Puntland iyo dowladduba ka jawaabi waayeen cabashada ciidamada.

Waxaa sidoo kale qabsashada Kastamka wasaaradda Maaliyadda ee Kantaroolka la sheegaya inay timid kadid markii wasiirka wasaaraddaas uu sheegay inaysan jirin xaq ku baaqday dowladda.

Balse Taliyaasha ciidamada oo arrintaas ka  hadlayay ayaa ku tilmaamay iska hor keen ku aadan ciidamada iyo hogaankooda, waxayna xuseen inay jirin wax mushahar iyo gunnooyin ah oo heleen muddo Labo Sano iyo Sideed Bilood.

Tan iyo markii Madaxweyne Gaas qabtay talada Puntland, waxaa sare u kacayay cabashada ciidamada iyo shaqaalaha dowladda kadib markii dowladdu bixin weyday mushaharka ciidamada oo ku shaqeeya marxalad adag.

Madaxweyne Gaas ayaa arrimihii uu loollanka ku galay, waxaa kamid ahaa inuu meel saari doono xaqa shaqaalaha isagoo markaas xukuumaddii ka horaysay ku eedaynayay inaysan bixin xaqa shaqaalaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM