Cilmi-baaris ka hadlaysa Garoowe oo lasoo bandhigey [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

May 4, 2015 (GO)- Xarunta cilmibaarista iyo ka hortagidda shaqaaqooyinka  (OBSERVATORY OF CONFLICT AND VIOLENCE PREVENTION OCVP) ayaa soo bandhigtey cilmi baaris laga sameeyay Degmada Garoowe, taasi oo ka hadlaysa heerka ay gaarsiisan yihiin adeegyada hay'adaha cadaaladda iyo amniga, si gaar ahna waxaa diiradda loo saarey shaqooyinka dowladda hoose qabato, maxkamadaha iyo booliska.

Waxaa shirkaan kasoo qeyb galay dowladda hoose, odayaasha dhaqanka, culimada, Jaamacadda Bariga Africa, guddiyada xaafadaha Garowe, iyo xubno ka socday dhalinyarada iyo haweenka.

Madaxa hay’adda OCVP Puntland, Ismaaciil Cabdullaahi Cilmi ayaa sheegay in ujeeddada shirkani ahayd in hay’addu soo bandhigto miirihii cilmibarista u soo baxdey taasi oo ay sameynayeen intii u dhaxeysay 2013 illaa 2015.

Cilmi barista ayuu sheegey inay ka qayb qaadatey sidii dhalinyarada looga wacyi-galin lahaa arrimaha amni darro ee mararka qaar ku dhacaana, waxaana uu bulshada ugu baaqey inay ka qayb qaataan sidii arinkaasi wacyi galin looga sameyn lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM