Culimada Puntland oo ka digtey in dowlada daabacdo lacag faalso ah

Image

19 August, 2015 (GO)- Kulan culimada Puntland la qaadatey xubno ka tirsan gudoonka Barlamanka ayey kala hadleen welwelka shacabku ka  qabo in xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas daabacdo lacago Shilin Somali ah.

Warsidaha Garowe ayaa fahansan in kulankaan culimada la yeelatey Barlamanka uga digtey dhibaatada lacago Shilin Somali ah ee la daabaco u keeni karaan nolosha dadka danyarta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha degaanada Puntland.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii warar sheegaya soo baxeen in xukuumada Puntland qorsheyneyso in lacago Shilin Somali ah oo lagu daabacey warshad taala magaalada Bosaso ku bixiso musharaadka shaqaalaha.

Culimada kulankaan la gashey gudoonka Barlamanka Puntland iyo guddiyada joogtada ah ayaa sheegey in dhaqaalaha xukuumada Puntland kasoo gala kaabyaasha dhaqaalaha uu ka badan yahay intii hore ayna tahay mas'uuliyad saraan madaxda dalka iney beekhaamiso kuna bixiso musharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada.

Gobolada Puntland oo laga daabacey lacago Faalso dowladii madaxweyne Cade Muse taasoo sababtey dhaqaale xumo iyo sicir barar ku yimaada dhaqaalaha ayaa culimada qayb weyn ka qaateen sidii loo xiri lahaa warshado lacagtaas daabaca ee ku yaaley magaalada Bosaso.

Barlamanka guddigiisa joogtada ah ayaa maalmihii lasoo dhaafey diidey go'aan madaxweyne Gaas ku keeni lahaa degaanada Puntland ciidamo shisheeye.

Madaxweynaha Puntland ayaa wararka la helayo sheegayeen in maalmihii lasoo dhaafey u ogolaadey QM iney la yimaadaan ciidamo ilaalo ah kuwasoo jooga xarumaha ay ku leeyihiin magaalooyinka waaweyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM