Cumar Cabdirashid oo loo magacaabayo Ra'isal wasaaraha Somalia

Image

Dec 13,2014 [ GO]- Warsidaha Garowe Online ayaa xog ku helay in Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamud go'aansadey qofka loo magacaabayo xilka Ra'sal wasaaraha Somalia iyadoo la filayo in lagu dhawaaqo 24 saac ee soo socda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Somalia go'aansadey inuu xilkaan u magacaabo Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake oo horey xilkaas u soo qabtey.

Cumar Cabdirashid oo Ra'isal wasaare ka noqdey dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif ayaa waqtigaan ah safiirka Dowlada Somalia u fadhiya dalka Mareykanka.

Magacaabista Cumar Cabdirashid ayaa imaaneysa kadib markii xilkaan u tartameen siyaasiyiin kala duwan.

Ra'isal wasaaraha cusub ayaa wararku sheegayaan inuu magaalada Muqdisho soo gaari doono maalinta berri ah iyadoo la filayo inuu saacadaha soo socda kasoo dhoofo dalka Marekanka.

Garowe Online ayaa ogaatey in beesha caalamku Madaxweyne Xasan Sheekh kula talisay magacaabista Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.

Barlamanka dowlada Federaalka ayaa xilka ka qaadey Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh kadib markii khilaaf xoogan soo kala dhexgaley isaga iyo Madaxweynaha.

Garowe Online

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM