GAROWE- Islaam Ciise Islaam Maxamed Islaam Muuse oo ka mid ah duub dhaqameedka Puntland, ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabatay oo uga hadlay xaaladda Somalia iyo qaabka lagu dhammayn karo khilaafaadka jira, kadib xilli shalay [25 May, 2016], isimadu soo saareen war-saxaafadeed ay uga hadleen shirka Qardho kasocda.
Islaam Ciise, ayaa sheegay in dalka Somalia kasoo daalay dhibaato iyo dagaal, wuxuuna xusay in loo baahanyahay qaabkii looga tagi lahaa arrimaha la isku hayo islamarkaana loo beegsan lahaa tubta hormarka.
Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin qaabkii ay uga shaqayn lahaayeen hormarka, balse wuxuu ALLE uga baryay dadka hareer marsan inuu kusoo celiyo wada xaqda ah.
Islaam-ku, ayaa umadda Somaliyeed EEBBE u weydiiyay inuu isu keeno kana dhex-saaro tafaraaruqa, isagoo xusay in guusha lagu gaarayo iskaashi iyo maqal.