Dadka "maalgaliya" weerarada Al-Shabaab ee Gaalkacyo oo loo digay

Image

GAALKACYO, Puntland – Maalgaliyeyaasha weeraradda ururka Al-Shabaab ee ku sugan waqoyga Gaalkacyo waxay lamid yihiin gacan ku dhiigleyaasha waxayna wajahayaan cadaaladda, sidda uu shaaciyey Taliska Booliska Mudug.

Khaliif Cabdi Shire, taliyaha booliska qeybta gobolka Mudug ee Puntland, ayaa hadaladaas ka dhawaajiyey kadib weerarkii shalay lagu dilay lix qof uu kamid yahay gudoomiyihii gobolka marxuum Axmed Muuse Nuur.

Marxuumka ayuu carabka ku adkeeyay in ay kawada hadleen dagaalka Al-Shabaab isla markaana ay ka go'neyd siddii looga adkaan lahaa xoogagaas gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

"Ku talagal buu ahaa in uu dhiman doono," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo wariyeyaasha kula hadlay goobta uu weerarku ka dhacay. "Siddii bey nooga go'an tahay shaqadaas waan waddaynaa".

Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa ku nuux-nuux saday in ay ahmiyadda koowaad siin doonan haatan siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa shabakadii naqshadeysay weerarkaas oo lagu raadjoogo haatan.

"Shacabka Mudug waxaan u sheegeynaa haddii aan ku guuldareysanay ka hortaggii, in ka dabatagii aanan ka hari doonin, meel kasta oo ay gasho aan u geli doono," ayuu daboolka ka qaadey taliyuhu.

Dowladda Puntland ayuu hoosta ka xariiqay in ay ka go'an tahay siddii Gaalkacyo u noqon lahayd meel nabad-gelyo ah oo ka caagan falalka liddi ku ah ammaanka oo ay geystaan kooxaha argagixisada ah.

"Waxba qarashka iyo dadka ha iska dhameynina, haddii kun ku dhimaneyso, gobolkan kan xaq uma leh in dadka lagu laayo, lagu qarxiyo, Diin maahan, Islaantinimo maahan, bini'aadanimo maahan, meelna kama soo gasho," ayuu tibaaxay.

Wallow uusan dhinac gaar ah carabaabin, taliyaha ayaa digniin cod dheer ah u diray shaqsiyaadka maalgeliya weeraradda Al-Shabaab ka fuliso Gaalkacyo iyo dadka gabaadka siiya gacan ku dhiigleyaasha.

"Al-Shabaab xeelad kasta waynu kula dagaalami karnaa hadey ahaato dhaqaale iyo dad la laayo sidda ay iyagu wax yeelayaan oo loogu tago goboladooda; waxaa balan llaahey in dadka waxaas sameeyay aysan nabad ku seexan Gaalkacyo oo waxaa ay ku fekerayaan aysan u suurtagaleyn oo aysan lacagta guran doonin; qofka lacagta baqdinta ku bixiya iyo kan baqdin kula shaqeeya; lacagta lagu gaday baabuurkaa oo Umadda lagu dilayo, qofka bixinaya waa dambiile, haddaba hala ogaado, akoonada Bangiga waan u sheegeynaa, xawaaladaha waan u sheegeynaa, shirkadaha telefoonada waan u sheegeynaa lacag qofkii bixiyey 'nafteydaa ku badbaadsanayaa Af Soomaali maahan' dagaalka annaga dhab buu naga yahay naftaadaan u hureynaa, cidna ka yeeli mayno," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Korneyl Muumin Cabdi Shire.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay bedeshay xeeladaheeda dagaal ee degaanada Puntland, iyaddoo beegsaday gudoomiyeyaasha gobolada. Ku dhowaad laba bilood gudaheeda, waxay dishay hogaanka Mudug iyo Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM