Dadkii soo dhoweyn lahaa Cali Xaaji oo la celiyey, muxuu ka yiri? DHEGEYSO

Image

June 20, 2015 (GO)- Booliska Garowe ayaa saaka celiyey boqollaal dadweyne ah oo doonayey inay garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyaan wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame oo isagu maanta Garowe dib ugu soo laabtey.

Dadkan oo watey ku dhowaad boqol gaari, waxaa lagu amray inay dib ugu noqdaan magaalada, waxaana laga hor joogsadey inay garoonka gudaha usoo galaan.

Cali Xaaji oo hadlay:

Cali Xaaji Warsame oo markii uu soo degey kaddib si kooban warbaahinta ula hadlay, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dib loo celiyey dadkii isugu soo baxay inay isaga soo dhoweeyaan, dowladana wuxuu ugu baaqay inaysan dadka xoriyadda ka qaadin. DHEGEYSO

Mar uu ka jawaabayey su'aal ahayd "Khilaaf miyaa idiin dhexeeya adiga iyo Madaxweynaha?" wuxuu ku jawaabay

" Maya khilaaf ma jiro noo dhexeeya aniga iyo Madaxweynaha, balse kala aragti duwanaansho ayaa jirta."

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay dowladda inay si dhaqso ah kusoo magacowdo guddiga doorashadooyinka. Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood waxaa si wadajir ah isula soo magacaaba Madaxweynaha iyo Baarlammaanka. Cabdiweli Gaas ayaa waraysi uu bixiyey bishii hore ku sheegay in dhowaan uu soo magacaabi doono xubnaha guddiga doorashooyinka.

Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa kamid ahaa sagaal wasiir oo todobaadkii hore xilalkooda waayey, kaddib markii Madaxweyne Cabdiweli Gaas isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM