Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Daacish oo dib uga qarxay Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka oo Isniin ahayd ku dhex-maray dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish degaanka Ceelka Miraale oo 70 KM dhanka bari uga beegan magaalada Boosaaso.

Dadka degaanka oo kusoo waramaya inay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa soo wariyay in is-rasaaseynta ay socotay saacado, ayna maqlayeen daryenka hub waawayn.

Lama ogga hadii uu jiro khasaaro dhimasho ama dhaawac oo kasoo kala gaarey labada dhinac iska hor-imaadkaan.

Midkoodna labada koox wali wax war ah kama uusan soo saaran illaa iyo haatan dagaalkaan culus ee dhex-maray.

Bishii December ee sanadkii hore 2018-kii ayay ahayd markii xoogagaan argagaxisada ah ay ku dirireen qaybo kamid ah buuraleyda gobolka Bari, halkaasi oo ay isaga dileen tobaneeyo dagaalamayaal ah.

Dagaalkaan oo noqonaya midkii 1aad sanadkaan 2019 ayaa kusoo aadaya iyada oo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu xaflada caleema saarkiisa ka sheegay inuu ka shaqaynayo sidii uu uciribtiri lahaa kooxahaan.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa degaanada PL ku xoogeystay mudadii uu jiray maamulka Cabdiwali Gaas, kaasi oo ku fashilmay wax ka qabashada arrimo a kamid yihiin amniga iyo musuq-maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM