Dagaalkii Tukaraq kadib, waa sidee hadda xaaladdu?

Image

TUKARAQ, Puntland – Kadib dagaalkii 24-ka bishan ka dhacay Tukaraq oo katirsan gobolka Sool, waxay Puntland iyo Somaliland ku jiraan diyaar-garow iyo dhaq-dhaqaaqyo midba midka kale ku xoojinayo Ciidamad jiida hore ka jooga.

Khamiistii lasoo dhaafay, Ciidamada labada maamul ayaa dagaal culus ku dhexmaray Tukaraq, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin xooggan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira oo gaarey labada dhinac, iyadoo sidoo kale guulo la kala sheegtay.

Puntland iyo Somaliland ayaa wixii dagaalkaasi ka dambeeyay soo saartey dhowr War-saxaafadeed oo midba midka kale ku eedeynayo inuu dagaalka billaabey, iyo hadallo kale oo xiisadda Tukaraq sii kiciyay oo warbaahinta isku mariyeen.

Puntland ayaa War-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ay soo saartey Todobaadkan ugu hadashay Colaadda gobolka Sool iyo dibadbaxyadii ka dhacay xarunta gobolkaasi ee Laascaanood, kuwaasi oo looga soo horjeeday Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Somaliland ay kawadaan Laascaanood dhibaatooyin isagu jira caburin, xarig sharci darro iyo jirdil, oo loo geysanayo shacabka degmada ku dhaqan.

Ilo-wareedyo ku sugan Laascaanood ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in 2 qof ay ku dhinteen rabshadaha sidoo kalena ay dhaawacmeen 8 kale, iyadoo Ciidamada Somaliland ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 50 ruux oo suxufiyiin ay kamid yihiin.

Madaxweyne ku ku xgeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay oo ka hadlay dhibatada ka taagan Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland aysan sii heysan doonin magaaladaasi, islamarkaana laga xoreyn doono.

Mudane Camey ayaa shalay oo Arbaco ahay u safray Buuhoodle ee gobolka Ceyn, halkaasi oo kulamo kula leeyahay waxgaradka, Isimada iyo qeybaha bulshada ee ku nool magaaladaasi.

Madaxweyne ku xigeenka oo ku matala Puntland gobolka Sool, ayaa si kulul u cambaareeyay colaadda Tukaraq, isagoo ku eedeeyay Somaliland in duulan gardarro ah ay kusoo qaadey deegaano nabdoon.

Dhanka kale, Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay tababar usoo xiray Ciidamo cusub, xilli xiisad ay ka taagan tahay Tukaraq, oo maamulkiisa uu labo jeer dagaal kula galay Puntland mudo bil gudaheeda ah.

Somaliland ayaa la wareegtay deegaankan 8-dii January kadib markii ay duulaan kusoo qaadey Ciidamadii Puntland ee halkaasi ku sugnaa, waxaana weerarkaasi ay kusoo beegtay xilli Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku joogay Garoowe.

Dalalka Beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, QM iyo dowladda Federaalka ayaa ku baaqey xabad-joojin, iyagoo ka dalbadey labada dhinac inay samaayeen isxakameyn si loo badbaadiyo dhiig kale oo ku daata Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM