Deni oo ku adkeystay ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku adkeystay in uu ka qeybgeli doono caleema saarka Axmed Madoobe ayaa "rajeynaya in uu caqliga u talin doono cidda xayiraada saartay Kismaayo".

Dowladda Federaalka ah ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya caasimadda ku meel gaarka Jubbaland in ay isa soo diiwaan-geliyaan 24-saac kahor inta aysan u duulin magaaladdaas uruaka AlShabaab laga saarey 2011-kii.

Talaabadaas ayaa lagu sifeeyay isku day ay xukuumadda ku carqaladeyneyso munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay taasoo lagu wadday in ay qabsoonto 26-ka September balse baaqatay.

Illaa iyo haatan ma jiro waqti kale oo loo muddeeyay in ay dhaceyso xafladda marka laga reebo "in muddo kooban dib loogu dhigay talaabada sharci daradda ah ee lagu hor-istaagay wafuudii kasoo muuqan lahayd".

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed iyo wafdi ka tirsan xisbigiisa Himilo Qaran oo ka qeybgeli lahaa munaasabadaas ayaa loo diidey in diyaaradii u qaadi lahayd Kismaayo ay ka duusho Aadan Cadde.

Dowladda Puntland, qaar kamid ah xisbiyadda dalka iyo siyaasiyiin oo aad u cambaareeyay falkaas ayaa waxay ku sifeeyeen go’aanada xukuumadda "mid aan dastuuri ahayn".

"Martida lagu casuumay ayaan kamid ah, waana ka qeybgalayaa," ayuu Deni u sheegay VOA Soomaali. "Dadka arrintaa ka shaqeeyay [xayiraada] waxaan rajeynayaa in uu caqliga u talin doono," ku daray hadalkiisa.

Dhinacyadda ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in maamulka hawadda dalka ay u adeegsaneyso "hub-siyaasadeed iyo dano gaar ah".

"Hawada Soomaaliya ma ahan tukaan qof leeyahay; waa hawo sharci ku dhisan, sharci lagu maro; qawaaniin caalami ah iyo kuwa Soomaaliyaba u xilsaaran," ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweynaha.

Sidda laga soo xigtay hay'addo, go'doominta hawada ee xarunta gobolka Jubadda Hoose waxay saameyn daran ku yeelatay nolosha dadka iyo xaaladaha bini'aadanimo ee halkaas ka jira.

Mar la waydiiyey maadaama nooca gaadiid oo uu isticmaali doono ayuu ku jawaabay: "Puntland diyaarado malahan; laakiin waxaan rajeynayaa in dadka arrintaan ka shaqeeyay uu caqliga u talin doono".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM