Deni oo farta ku fiiqay cida halista ku ah amniga Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DANGORONYO, Nugaal – Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah bilaabay socdaal dheer oo uu ku marayo gobolada Karkaar iyo Bari.

Kahor socdaalkiisa maalmaha qaadan doona, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa cagta sii mariyay degmada Dangoronyo ee gobolka Nugaal.

Soo dhaweyn diiran kadib, madaxwaynuhu wuxuu kulan la yeeshay mas'uuliyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan degmadaasi.

Isaga oo ka hadlay kulanka, Deni ayaa shaaciyay in dhowaan la bilaabayo dhismaha jidka isku xira Eyl iyo magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Madaxwaynaha ayaa ku amaanay bulshada ku dhaqan degmadaasi ku taalla marinka muhiimka ah sida ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyo amaanka.

"Hadii la dhiso wadadaasi … Dangoronyo wax badan ayaan ka filaynaa … mid dhaqaale, mid horumar iyo koror bulsho," ayuu hadalkiisu raaciyay.

Magaalooyinka waawayn ee Puntland ayuu si cad u sheegay in ay ka jiraan khataro amni, kuwaasi oo xusay in ay wax ka qaban doonto xukuumadiisa.

"Sida la sheegay dhibaatada haysata dadkeena waa amniga … dad aan nolasha u ogolayn dadkaan ayaa waxay ku wadaan dibin-daabyo … arrintaasi in loo diyaar-garoobo ayaan idin sii fareynaa," ayuu daba dhigay.

Ugu dambeyntii, madaxwaynaha oo shacabka ugu ka dalbaday in ay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan sugiga amaanka ayaa wacad ku maray in xukuumadiisa ay si adag u shaqeyn doono si loo sugo nabad-gelyada.

"Dowlada ahmiyda koowaad amniga ayay siin doontaa hadii uu ALLE raali ka noqdo … si dhow ayaana u wadashaqeyn doonaa," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM