Deni: Haweenka kaliya yeysan raadin xil, sugida amniga qayb haka noqdaan

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida oo lagu qabtay magaaladda Garowe.

Deni ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya xaaladda guud ee dalka.

Ugu horeyn, Madaxwaynuhu wuxuu wacad ku maray in maamulkiisa uu xooga saari doono sidii dumarka u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in talaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo tacadi ugeystay gabdhaha Soomaaliyeed.

Haweenka ayuu ku tartarsiiyay in ay doorkooda ka qaataan sugida amaanka, oo uu xusay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii loo xaqiijin lahaa.

"Dumarka waa in aysan kaliya raadin xil…waa in ay ku biiraan ciidamada oo ay ka qeyb-qaataan sugida nabad-gelyadda," ayuu yiri Deni.

Shalay ayay ahayd markii dabley hubeysan ay ku dhex-dishay Suldaan Baashiir Muuse Koonte Masaajid ku yaalla magaalada Boosaaso.

"Boosaaso waxaa la sheegaya haween bastooladu wata oo dumarka kale dhibaya, waana bar madow oo u baahan in wax laga qabto," ayuu hadalkiisu ku daray.

Madaxwayne Deni oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Marxuumka ayaa su’aal geliyay qaabka ay u baxsadeen gacan ku dhiiglayaasha.

"Dilka Suldaanka wuxuu lamid yahay midkii Caasha, sababta oo ah iyada oo Masaajid lawada buuxo ayaa la leeyahay way baxsadeen," ayuu hadalkiisu raaciyay.

Sidoo kale, hogaamiyaha dowladda Puntland ayaa mar kale ka tacsiyeeyay geerida Cabdi Xoosh Jibriil, wasiirkii Dastuurka Soomaaliya, oo shalay ku dhintay isbitaal ku yaalla Dubai.

Ugu dambeyntii, Deni ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan horumarka uu gaaro maamulkaan 20-sano jirka ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM