Deni iyo safiirka Switzerland ee Soomaaliya oo ku kulmay Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Nairobi kula kulmay Safiirka Switzerland ee Soomaaliya, Kenya, Rwanda, Burundi iyo Uganda, Siro Beltrametti.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxa xafiiska iskaashiga Gobolka ee safaaradda Switzerland Mr. Thomas Oertle iyo u qaybsamaha safaaradda siyaasadda iyo dowlad wanaagga Nimco Jirde.

Sidoo kale waxaa kulankaasi Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan siyaasada, doorashooyinka iyo mashaariicda dhanka horumarinta.

Xalay ayay ahayd markii madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mudane Mohamed Ali Guyo.

Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Khamiistii, Deni, ayaa wuxuu ka warbixiyey kulan uu magaalada caasimadda ah ee Nairobi kula yeeshay safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa fahfaahin looga bixiyey qodobada looga hadlay kulanka danjire Ben Fender Obe.

"Waxaan kulan casho ah kula qaadanay Danjiraha Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u fadhiya Soomaaliya, mudane Ben Fender Obe," ayaa lagu yiri bayaanka oo Garowe Online uu arkay.

Britain ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya gaar ahaan Puntland kana fuliya mashaariicyo badan oo muhiim ah.

"Waxaan ka wada hadalnay mashaariicda Ingiriiska ee horumarined ee taabanayso dhinacyada caafimaadka xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha," ayuu ku daray qoraalka xafiiska Deni.

Jimcadii, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo la kulmay safiirka France u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Aline Kuster-menager, ayaa waxay kawada hadleen masiirka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM