Deni: Ma jiro ganacsi aan hortaagan nahay, kaliya canshuurta bixiya

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabullaahi Deni ayaa shaaciyey in xukuumadiisa ay u sahleysa ganacsatada iyo maalgashatada in ay fuliyaan mashruuc walba oo ay bulshadu u baahan tahay.

Hogaamiyaha dowladda Puntland ayaa daboolka ka qaaday in shuruuda kaliya oo ay hor-dhigayaan ay tahay in ay soo maraan ayna ku dhaqmaan shuruucda dalka u taala.

Mr Deni ayaa ku booriyey labada dhinac in ay bixiyaan canshuurta xaqa loogu leeyahay si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee u baahan iyo in shaqada dowladnimada lagu xoojiyo.

"Dad baa ii imaanaya oo i leh mashruuc baan wadnaa, oo mey la aadaan meelaha ay quseyso … ma jiro ganacsi aan hortaagan nahay, kaliya canshuurta bixiya," ayuu ka sheegay shirka Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Shirka Kulluumeysatada Soomaaliyeed oo socon doono maalmo ayaa lagu soo bandhigayaan kheyraadka dalkeenu leeyahay xili Deni uu bogaadiyay shaqsiyaadka maal-geliyey bandhigaasi.

Ganacsatada ayuu ruuxdooda uga digay in ay loolamaan, isaga oo ku tartarsiiyay in ay yareeraa sicirka badeecadooda si bulshada uga faa'ideysato iyo in ay maalgeyliyaan shirarka noocaan ah.

Geesta kale, madaxweyne Deni ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa hay’addaha dowlada gaar ahaan kuwa bulshada sida wayn ugu baahan tahay.

Shirka Maalgashida Puntland oo qorshuhu yahay in uu qabsoomo bisha Agoosto ee sanadkaan 2019 ayuu xusay in lagu casuumay ganacsatada dibada joogta ee Puntland, xubno ka socday caalamka iyo dhinacyada ay quseyso.

Ugu dambeyntii, Deni ayaa shaaciyay in dowladiisa ay mudnaan gaar ah siineyso wax ka qabashada amniga, xoojinta wax soo saarka dalka iyo kobcinta dhaqaalaha oo halbeega xukuumada ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM