Deni oo amar dul-dhigay mas'uuliyiinta dowladda Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo howlo shaqo u jooga Boosaaso, ayaa kulamo kala duwan la qaatay maamulka gobolka, kan degmadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Kulamadda oo siyaabo kala duwan u qabsoomay ayaa waxaa looga hadlay oo diiradda lagu saarey arrimo ku saabsan ammaanka, maalgashiga iyo horumarka.

Deni oo habeenimadii Talaadada la hadlayey dadweynaha xarunta gobolka Bari, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisa ay isku garab-wadeyso xaqiijinta nabad-gelyada, horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Muwaadiniinta ayuu cod dheer kaga codsaday in aysan dhag-jalaq u siinin shaqsiyaadka sawirka qaldan ka bixinaya maalgashiga iyo barnaamijiyadda kale ee xukuumadda wado ee ku aadan horumarinta.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, mas'uuliyiinta kala duwan ee hay’addaha dowladda Puntland ayuu si cad ugu amray in ay dadka ay metelaan u sheegaan "xaqiiqadda".

"Waxaa kaloo ku noqosho u baahan…waxaan ka xumahay in hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda in ay gabeen in dadkooda ay xaqiiqada dowladda uga waramaan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan farayaa dhamaan dadka mas’uuliyiinta dowladda ah ee siyaasadda u melelaya in ay bulshadooda la hadlaan, in ay runta u sheegaan in ay dadlkooda ilaashadan ay ku booriyaan in nabad-gelyada iyo kala dambeynta danta noogu jirto kuligeena aan kawada shaqeyno".

Hadalkan ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo xubno ka tirsan goleyaasha fulinta Dowladda ay ku guuldareysteen in siyaasadda xukuumadda iyo midda amniga ay gaarsiiyaan gobolooda, taasi oo dhalisay la marin-habaabiyo.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM