Deni oo baaq la xiriira gogosha Garowe u diray DF iyo maamulada

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa jeediyey khudbadii koowaad ee Maalinta la hadalka shacabka Puntland taasoo loo asteeyay Isniinta koowaad bil kasta, sidda ay shaacisay Madaxtooyada.

Fariintaan ayuu Deni diiradda ku saarey arrimaha Coronavirus iyo saameyntiisa dhaqaale, Amniga, tayeynta Ciidamada iyo arrimaha Federaalka.

Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, Deni ayaa kalsooni weyn wuxuu ka muujiyey in ay joogto noqoto maalintaan si dadweynaha u helaan xogta ay uga baahan yihiin dowladda lana socdaan macluumaadyada muhiimka ah.

"Maamulka kaliya"

Mas'uuliyiinta loo xilsaarey ka hortaga faafitaanka cudurka ee ku lug-yeesha fududeynta in dalka lasoo geliyo Khaadka iyo qaarka dayaca waajibaadkooda ayuu caddeeyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Beesha Caalamka ayuu cod dheer ugu baaqay in ay ka taageeraan Soomaaliya gaar ahaan Puntland siddii loo xakameyn lahaa caabuqaas.

Culimada ayuu ku tartarsiiyey in ay qaataan talaabooyinka kasoo baxa guddiga ka hortagga iyo wacyigelinta ee lagula dagaalamayo cudurka.

Puntland ayuu ku sifeeyay "maamulka kaliya" ee ka jira Soomaaliya ee hirgeliyey talaabooyinka lagula tacaalayo xanuunka gaar ahaan bandow lagu soo rogay guud ahaan magaalooyinka weyn ee dowlad goboleedka.

Bogaadin dedaalo dib-u-heshiisiin

Dhanka kale, isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa bogaadiyey "dedaalada dib-u-heshiisiinta" ee lagu soo afjarayo kala aragti-wanaanta siyaasadeed ee maamul goboleedyadda Jubaland iyo Galmudug.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa ku guuleystay qancinta Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hogaamiyaha uu xilka kala wareegayo, kaas oo kasoo horjeestay guushiisa.

Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubaland, ayaa la heshiiyey mucaaradkiisa Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar, kadib wadahadalo ay ku yeesheen caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Deni ayaa dowladda federaalka ah ku booriyey in ay xoojiso isla markaana ay taageerto "go'aanka ay qaateen dadka Soomaaliyeed oo ah dib-u-heshiisiinta iyo wadahadalka si looga baaqsado khatarta Covid—19".

Jawaab laga sugayo madaxda federaalka

Safarka uu horey ugu dhawaaqay in uu ku tegayo Muqdisho ayuu hoosta ka xariiqay in uu wali siddiisii yahay, isla markaana ay jawaab ka sugayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo aan wali waqti cayimin.

Arrimaha la xiriira fayruska Corona ayuu xusay in uu aaminsan yahay in uu caqabad ku noqotay, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in uusan wali waxba iska bedelin mowqifka Puntland ee ah wadahadalka ay martigelisay.

Wadaxaajoodyadda oo looga arrin-sanayo mustaqbalka iyo dowladnimada Soomaaliya ayaa kamid ahaa go’aanadii kasoo baxay Shirweynihii Wadatashiga Puntland.

"Shirkaas wuxuu aad u caddeeyay waxyaabaha dowladda Puntland dadkeedu ka sugayaan," ayuu tibaaxay, isagoo wacad ku maray in ay sidooda ku dhaqan-gelin doonan dhamaan qodobadii shirkaas laga soo saarey.

Shabakad lagu raadjoogo

Dib-u-habeynta ciidamadda milatariga iyo booliska ayuu daboolka ka qaadey in xukuumadiisa ay "guulo ka gaartey", wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay sahleyso in askarta ay mushaharkooda u helaan si joogto ah.

Caqabadaha ka jira amniga ayuu rajeeyay in xal loo heli doono, maadaama dedaalo kala duwan ay ka socdaan meelaha ay dhaliilaha ka jiraan.

"Waxaan aad uga digeynaa dadka caadeystay falalka aan fiicneyn iyo gacan-siinta ururada argagixisada ah. Dowladda Puntland ciddii ay ku cadaato inay macaamil la leedahay waxay ula dhaqmeysaa ururada argixisada oo kale," ayuu qeexay, isagoo dadka ugu waaniyey in ay ka fogaadaan is-qabqabsiga dhulalka.

Magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo ayuu si gaar ah u dul-istaagey in ay ka socdaan isbedelo dhanka ammaanka, wuxuuna kalsooni weyn ka muujiyey in lasoo qabto raggii ka dambeeyay dilka gudoomiyihii Nugaal.

Wallow uu ka gaabsaday fahfaahinta, shabakadii sidda gaarka ah u abaabushay is-miidaamintaas ayuu caddeeyay in lagu raad-joogo, isagoo intaas ku daray "waxaa wax lagu farxo ah in ay meel fiican wax kuu marayaa".

Qodobo kale oo isku dhaf ah

Ganacsatada Puntland ayuu kaga mahadceliyey in ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta, isagoo ka shanqariyey in ay diyaar u tahay xukuumadiisa xalinta tabashooyinka ay tirsanayaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay ka fogaadaan colaadaha, si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay dagaal beeleedyadda gobolkada Mudug, Jubadda Hoose iyo Shabeellaha Hoose.

"Waxaa soo if-baxeysa in Al-Shabaab iyo Daacish ay qeyb ka yihiin hurinta dagaalada qabaa'ilka qaarkood," ayuu ka dhawaajiyey xili uu rayidka ku waaniyey in ay meel uga soo wada jeesteen baacsiga ururadaas.

Ugu dambeyntii, madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyadda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay ogolaadaan martiqaadka Puntland ee wadahadalada gogosheeda la fidiyey magaaladda Garowe.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM