Puntland: Haweenka oo "door muuqda" laga siinayo xukuumadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay haweenka gobolka Bari.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar ka mid ah laamaha amniga iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn kulanka uu la qaatay haweenka uga warbixiyey qorshaha dowladda ee gobolka iyo guud ahaan haweenka Puntland, intaas ka dibna wuxuu Madaxweynuhu dhageystay qaar ka mid ah haweenka oo warbixin ka siiyey Madaxweynaha sida ay u shaqeeyaan, ayagoona sheegay in ay garab taagan yihiin Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

"Runtii sharaf weyn bay ii tahay in maanta kulankan qabsoomo waxa aan halkaan u imi oo isku aragnay waxaa ugu muhiimsan in aan iswaraysano xogta dhabta ah kala qaadano si aan meesha aan hadda joogno uga dhaqaaqno, haddaan xog la helin way adkaanaysaa wax qabad muuqda in uu qabsoomo, runtii haweenku waxa ay yihiin isku sheegi mayno marka laga tago in ay waalid, walaal iyo wax walba yihiin, haddana waa laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Madaxweynuhu

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ballan qaaday in haweenku ay door muuqda ku yeelan doonaan Xukuumadda.

“Xukuumadda aan Madaxda ka ahay iyo dowladdanba ahmiyad gaar ah baan siin doonaa haweenka haddii Alle idmo anagoo u aragna in ay yihiin mustaqbalka biri oo muhiim ah, waxaan doonayaa in aan xogaha aan hayno idinla wadaagno dowladda si mug leh aad ugu qeyb qaadataan, waana caddeynayaa waxaad tiraahdeen haweenku xaggee ka tirsan yihiin?, haweenku Wasaaradaha oo dhan bay ka tirsan yihiin dowladdana laf-dhabar bay u yihiin”.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday haweenka in ay ka shaqeeyaan guud ahaan midnimada ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, lagana digtoonaado kala dilka iyo in si kale wax loogu sheego ayadoo duulaan lagu yahay nabadda iyo barwaaqada Puntland Alle ku galladay.

“Waxaan idiin ballanqaadaynaa in aad talada dalka wax ku yeelataan idinkuna doorkiina aad qaadataan, xafiiskaygu idinkama xirna waan idinla tashan doonaa, laf-dhabar baa u tihiin dowladnimada aan rabno, waxaa la rabaa qeybaha bulshada ugu muhiimsan baa tihiine kaalintiina inaad qaadataan maamulka, difaaca iyo horumarka kaleba inaad ka qeyb qaadataan, gabdhaha ciidamada ah in doorkooda muuqdo iyo kuwa maamulkaba”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Puntland State House + GO

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM