Deni oo eedeymo culus u jeediyay madaxda Dowladda Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku fashilantay dhamaan arrimihii aas-aasiga u ah hirgelinta nidaamka federaaleynta dalka, sidda laga soo xigtay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo furay kalfadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale hogaanka dowladda federaalka ku eedeeyay isku koobida go'aanada arrimaha masiiriga ah.

Isagoo qiray in talaabadaas ay kasoo horjeedo dastuurka, arrintaas ayuu xaqiijiyey in ay sabab u ahayd burbur ku yimid wadahadalka kaliya ee dhexmaray maamulada iyo dowladda tan iyo markii la doortay.

"Waxaan lawada soconaa in dowladda federaalka ah ay ku fashilantay in guulo laga gaaro lagana heshiiyo nidaam doorasho, dhameystir dastuur, awood qeybsi kheyraad, nidaamka maamul maaliyadeed, nidaamka garsoor iyo maqaamka caasimadda oo dhamaan aas-aasi u ah hirgelinta nidaamka federaaleynta waddanka," ayuu u sheegay mudaneyaasha xeer-dejinta.

Si lamid ah, wuxuu ku dhaleeceeyay in ay diyaariyeen shuruuc lagu galayo doorashooyinka 2020-21 oo aysan heshiis ku ahayn maamulada, isagoo cod dheer ku qeexay in Puntland ay diiday xeer kasta oo aan laga talagelin.

Madaxda dowladda federaalka ayuu ku dhaliilay in aysan wali kasoo jawaabin gogoshii ay Puntland fidisay kadib Shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe, taas oo looga hadli lahaa xaalada guud ee dalka.

Puntland ayuu caddeeyay in ay wali diyaar u tahay wadahadal laga galo arrimaha masiiriga ah ee dalka sidda doorashooyinka, balse hogaanka dowladda federaalka ay diidan yihiin xal laga gaaro arrimaha cakiran ee qaranka.

"Hadaba dhaqamadaas aan kor kusoo sheegnay oo ay qayb ka yihiin wadatashi la'aan, awood sheegashadda siyaasadeed, deeqaha caalamiga ah iyo ku dhaqan la'aanta Dastuurka waxay qayb ka yihiin aragtida guracan ee la rabo in lagu wiiqo nidaamka federaaleynta Soomaaliya ee lagu heshiiyey; aragtidaas oo ah mid u adeegeysa dhiiragelineysana nidaamka Soomaali ku burburtay ee ah Dowlad dhexe oo xoog leh [Strong unitary system]," ayuu tibaaxay, isagoo shacabka ku booriyey in ay ilaashadaan nidaamka federaalka "oo aysan ku cayaarin siyaasiyii dano gaar leh".

Dhinaca kale, xilli uu xusay in amniga uu wanaagsan yahay isla markaana dib u habeyn lagu sameeyay ciidamadda, Deni ayaa hoosta ka xariiqay in la xoojiyey la dagaalanka kooxaha falalka amni daro geysta ee argagixisada.

Xukuumadiisa ayuu ka dhawaajiyey in ay ka go'an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyadda Puntland "si aan loogu laaban habka qabiilka", garab istaaga guddiga KMG doorashooyinka iyo ilaalinta madax-banaanidooda.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka Soomaaliya isla markaana ah maamulkii ugu horeeyay ee ka hana-qaadey gudaha waddanka ayaa mar walba ka dhiidhisa ficilada dowlada dhexe ee ka dhanka ah hab lagu heshiiyey.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM