Deni oo furay kal-fadhiga 47aad ee Baarlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah u furay kal-fadhiga 47aad ee Gollaha Wakiiladda Puntland, isagoo ka jeediyay khudbad uu uga warbixiyay horumarka dowladda iyo safaradii shaqo ee uu ku tagey degmooyin katirsan Puntland, Muqdisho, Baydhabo, Kenya iyo Jabuuti.

Deni ayaa sheegay in guulo ay kusoo dhamaadeen dhawaan safaardii uu sameeyay tan iyo bishii lasoo dhaafey, wuxuuna kahor sheegay Gollaha Wakiiladda in COVID-19 uu saameyn ku yeeshay dakhliga dowladda, isku socodka iyo howlihii shaqooyinka Wasaaradaha.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyay Xildhibaanada arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya xiliga kala-guurka ah iyo heshiiskii doorashadda ee madaxda Maamullada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Halkan ka Daawo Khudbadda Deni:

 

Wuxuu balan-qaadey inay xoogga saari doonto dowladdiisa sidii Puntland uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, oo dowladaha hoose lagu soo dooran doono, iyadoo hanaanka dimuqraadiyeynya uu meel fiican marayo, lana diiwaan-geliyay xisbiyo siyaasadeed.

Dhanka amniga, Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay dagaallo ay kooxaha argagaxisadda kula galeen dhulka buuralayda ee gobolka Bari, islamarkaana ay kahor tageen falal ka dhan ah xasiloonida.

Baarlamanka Puntland ayaa soo dhaweeyay heshiiskii doorashadda Muqdisho lagu gaarey 17-kii bishii September, kaasoo lagu soo afjaray khilaaf mudo dheer ka taagnaan hanaanka doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM