Madaxweyne Deni oo maamul cusub u magacaabey gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta ah waxa uu Axmed Muuse Nuur, waxa uu umagacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug.

Sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, waxaa Cabdullaahi Warsame [Wardheere] laga dhigay ku xigeenka koowaad, halka Maxamed Xasan Xuseen [Waloore] uu yahay ku xigeenka labaad.

Isbedelka lagu sameeyay maamulka gobolka Mudug ayaa qayb ka ah dib u habeyn balaaran oo xukuumada ku sameyneyso hay'adaha dowlada si bulshada u gaarto adeegi dowladnimo.

WAREEGTADA

Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya
aragnimadooda shaqo

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

2. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

4. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM