Deni oo ka hadlay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Madaweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladiisu diyaar u tahay dhisidda Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland, inkasta oo uu xusay in ay tahay arrin u baahan falanqeyn qoto dheer.

"Maxkamadda hadii aysan jirin macnaheedu ma ahan in aysan qabsoomeyn shaqadii la rabay…maxkamaddii sarre ayaa awoodaasi leh…khilaafka siyaasiga iyo midka dastuurigana iyadaa leh," ayuu u sheegay BBC Soomaali.

Mar la waydiiyey hadii dowladiisu hirgelin doonto xeer-beegtadaas ayuu ku jawaabay: "Dabcan, waa arrin dastuuri ah oo u baahan falanqeyn…wax caqabad ah oo xageena ah oo dhinacaasi ka aadan ma jiraan".

Guddiga Doorashooyinka Puntland

Dhinaca kale, hogaamiyaha maamulka Garowe ayaa mar kale ku cel-celiyay in Guddiga ku meel gaarka Doorashooyinka Puntland uu ku garab taagan yahay daadejinta awooda si shacabka u soo dooran hogaankooda.

Guddigan oo dhowaan ka magacaabay ayaa waajibaadka ugu muhiimsan ee haatan saaran waxa uu yahay in ay soo afjaraan waayihii nidaamka qaybsiga beelaha ayna taaba geliyaan coddeyn qof iyo cod ah.

"Guddiga waa mid madax banaan…Sidan horey u sheegay dhinaceena caqabad ma imaan meyso…daruufihii horey ku noqodkooda wax macno ah ma sameyneyso, waxaa waajib nagu ah in aan horey u socono," ayuu xusay.

Isaga oo qeexay in sida ugu dhaqsiyaha badan ee uu guddiga u soo magacaabay caddeyn u tahay in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah, Deni ayaa rajeeyay in baarlamaanka kal-fadhiga soo aadan ku ansixin doono sharciga doorahadda.

Rajadda

Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in 2020-ka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, waxaana jira guddi doorasho oo heer federaal ah, kaasi oo guud ahaan dalka sheegay in uu ka qaban doono coddeynta.

Kaalmo ka timaada Beesha Caalamka oo isugu jirta mid dhaqaale iyo xag farsamo ayaa muhiim ah qabsoomida coddeynta, balse madaxweyne Deni wuxuu aaminsan yahay in laga bixi doono in loo baahdo kaalmada cid kale.

"Waxa kheyraadkan looga sheekeynayo waa in Puntland danaheeda ka shaqeysato. Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya iyo Puntland ay ka maarmaan in ay cid kale ka taageeraan doorashadda," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, isaga oo meesha ka saarey in guddiga doorashooyinka federaalka maamuli karo doorashooyinka Puntland, ayuu kalsooni ka muujiyey in hay’addaha caalamka ay maamulka ku garab istaagi doonan dimoqraadiyenta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM