Deni oo ka hadlay Gollaha Iskaashiga iyo duulaanka Somaliland ee Puntland [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Dani, oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jiraan xiisada Somaliland iyo Gollaha Iskaashiga Maamulada.

Ugu horeyn, Madaxwayne Dani ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu ka shaqaynayo sidii amniga DPL uu unoqon lahaa mid laysku haleyn, isaga oo wacad ku maray in meelaha ay haatan haystaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish laga saarayo.

Kooxaha argigixisada ah oo Puntland ku xoogeysatay mudadii uu xafiiska joogay Cabdiwali Gaas ayaa haatan Saldhigyo ay waxay ku leeyihiin gobolka Bari, halkaasi oo ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Mudadii uu xafiiska joogay Gaas, dhaxalka xun ee uu ka tegay waxaa kamid ah inuu hoos–udhigay maqaamka DPL iyo xiriirka kala dhaxeeya dowlada Federaalka, kaasi oo uu Dani ka dhawaajiyay inuu hagaajinayo.

"Madaxda si shaqsi ah way isku khilaafi karaan, wayna imaan kartaa kala aragti-duwanaanshiyo..Balse, dhamaanteena waa inayno kawada shaqaynaa dhisida dowlad Soomaaliyeed," ayuu raaciyay.

- Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda –

Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Dani, ayaa kalsooni geliyay xubnaha kusoo Gollaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda, kadib markii uu ka dhawaajiyay inuu sii dhaqaajinayo Madasha.

Gollahaan oo ay ku mideysan yihiin dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa lagu aas-aasey magaalada Kismaayo bishii October 2017-kii, iyaga oo shirkii ugu dambeeyay oo ay xiriirka ugu jareen Villa Soomaaliya ku yeeshay Garowe.

"Dastuurka ayaa dhigaya inay Iskaashi sameynsan karaan maamuladda..wax kasta oo uu qabo dastuurkeena, oo dan u ah Puntland iyo Soomaaliya, waan ku dhaqmi doonaa, wax kasta oo ay Puntland gaar u leedahay waanu ilaalineynaa," ayuu Dani daba dhigay hadalkiisa.

 - Xiisada Somaliland –

Somaliland, oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii, balse, ku hungowday inay hesho aqoonsi caalami ah, ayaa madaxdeedu waxay ku oor-kacsadaan in xuduudoodu yahay duleedka magaalo madaxda Puntland.

"Inaga iyo Somaliland muran dheeleed nagama dhaxeeyo," ayuu ku jawaabay markii su’aal arrintaasi la xiriirta la waydiiyay, isaga oo raaciyay "Waxay kusoo xadgudbeen dhulkii Puntland..Taariikhduna way qoreysaa..Inaga dagaal uma socono, marka waxaan rajaynayaa inay si nabad ah uga tagaan, oo ay fariisimahooda ku noqdaan.

Madaxwaynuhu wuxuu gabi ahaanba meesha ka saarey wax wadahadal ah oo uu ka galayo gar-garada uu maamulka Hargeysa, isaga oo hoosta ka xariiqay inaanu marnaba su’aal la gelin inay Somaliland ku fadhiso dhul ay Puntland leedahay.

"Horta wixii is-khilaafsan waa wax loo kala qaadaa, wixii qalna waa la qabtaa…aniga waxaa arkaa in Mashruuca Somaliland waa mid qaldan, koley cid qabato way heli doontaa, ama waqtiga ayaa qabanaya, laakiin aniga hadda ma arko khilaaf inoo dhaxeeya," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa kalsooni aad uwayn wuxuu ka muujiyay, uuna balanqaaday inuu ka shaqaynayo sidii doorashada xigta ee Puntland ay unoqon lahayd mid xor oo xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM