Deni oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Shaafi Raabi Kaahin

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga maamulka Jubaland, Shaafi Raabi Kaahin.

Marxuumka ayaa ku naf-waayey weerar is-qarxin ah oo argagixsada Al-Shabaab kula eegatay caasimada ku meelgaarka Jubaland gaar ahaan banaanka Masjid kadib Salaadii Jimcaha.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Deni ayaa lagu sheegay in uu murugada iyo tiiraanyada la wadaagayo qoyska marxuumka, una rajeynayo soo kabasho deg-deg ah dhaawacyadda kale.

"INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka Puntland, iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa tiiraanyada la wadaagay shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timi Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ay argagixisadu soo maleegtey maanta, kaasi oo ka dhacay Kismaayo," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciey: "Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, isaga iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeelowdey qaraxaasi, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubaland, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku".

"Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey intii dhaawacantay inuu u booga dhayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Ugu yaraan saddex saddex ruux uu ku jiro naftii-haligaha iyo arday kaalinta labaad ka galay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dowladda federaalka ayaa la xaqiijiyey in dhacdadaan ay ku geeriyoodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM