Deni oo ku booriyey bulshada in ay ka qayb qaataan horumarka dalka

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb-galay munaasabad ay degmada Garoowe Kula Wareegaysay Sadex Dab-Damis iyo booyad biyo Shirkadda isgaarsiinta ee Golis.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ganacsato maamulka sare ee shirkadda Golis iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey goobta lagu wareejinayey agabka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leeyihiin dab-damiskani iyo iskaashiga dowladda iyo shacabkeeda.

"Dawladdu waa dadka, dadkana inay isku tashadaan waa wax waajib ku ah, hadaysan dabka iska damin oo colaadda iska damin oo gaajada la dagaalamin oo dhibaatooyinka kale ee bini'aadamka ku soo wajahan meel ugu soo wada jeesan, ogaada dad gaar ah wax ma gaarayaan ee bulshadoo dhan ayay gaarayaan, marka in dadku isku tashado oo dowladda oo dadka ka mid ah danaha guud ka shaqayso waa muhiim". ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Sidoo kale Madaxweyenaha dowladda Puntland ayaa shirkadaha kala duwan ee Puntland ka howl gala ku booriyay inay xoojiyaan adeegyada ay ku horumarinayaan bulshadooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono qorshe dowladdeed oo ku aadan dhinaca horumarinta, kaas oo in muddo ah laga shaqaynaayey, isla markaana arrimo badan lagu iftiimin doono.

Puntland State House

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM