Deni oo ku dhawaaqay martigelinta shir ay yeeshaan DF iyo maamulada

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gabagabada Shirka Wadatashiga Puntland wuxuu kaga dhawaaqay martigelinta shir ay yeeshaan Dowladda Federaalka ah iyo Maamulada.

Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo 15-kii ka furmay xarunta Jaamacadda Dowladda Puntland ee Garowe ayaa laga soo saarey war-murtiyeed looga hadlay xaalada guud ahaan ee waddanka.

Qodobada ku jiray war-murtiyeed ayaa waxaa kamid ahaa in Puntland fidiso gogol ay kuwada hadlaan saamileyda siyaasadda.

Deni oo dhamaadka shirkaas hadal-jeedin sameeyay ayaa si cad daaha uga rogay in ay aqbaleen talooyinka lagu soo jeediyey bayaanka.

"Anigoo taladiina ka duulaya waxaan ku dhawaaqayaa gogol, shir aan u qabano dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah in ay isugu yimaadaan magaalada Garowe oo aayaha Soomaaliya iyo mar-xalada cusub ee cakiran ay u cirbixiyaan," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waan rajeynayaa in maamulada iyo dowladaha la doortey mar-xaladda ay Soomaaliya ka gudbiyaan waa haddey la tashadaan dadkooda. Aniga Puntland waxaan balan-qaadi doonaa taladiina ayaan geyn doonaa gogoshaas marka la yimaado. Dadka kaloo mas'uuliyiinta ah waxaan ka rajeynayaa in ay la yimaadaan talada dadkooda. Hadii dadka taladooda la yimaado turxaan badan iyo madmadow badan oo hadda jira way baxeysaa".

Isagoo sii hadlaya, madaxweynaha ayaa xusay ahmiyada ay leedahay wadasheynta iyo is-maqalka. Puntland ayuu cadeeyay in ay diyaar u tahay in ay la hadasho cid kastoo mucaaradsan.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayuu cod dheer ugu waaniyey in ay joojiso colaada ay ka hurineyso gobolka Gedo ee Jubaland, halkaasoo ciidamo ay ku daabushay.

Dagaalka maleeyshiyaadka argagixisada ah ayuu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in meelo looga soo wada jeesto.

"Khilaafka siyaasadeed ee jira waxaan ku xalin doonaa wadahadal," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Puntland ayaa hormuud u ah nidaamka federaalka iyo dowladnimadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxay horey u martigelisay shirar looga hadlayo aayaha waddanka, kuwaasoo badankooda miradhalay.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM