Deni oo ku laabtay Garowe xili si diiran loosoo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dib ugu laabtay magaaladda Garowe, kadib socdaal uu ku kala bixiyey Shiinaha, Imaaraadka iyo Itoobiya, ayaa si diiran loosoo dhaweeyay, galabnimadii Jimcaha.

Isaga oo saxaafadda kula hadlay qeybta VIP-ga ee madaarka diyaaradaha caasimadda dowladda Puntland ayuu Deni u mahad-celiyey mas'uuliyiinta kala duwan ee soo dhaweyntiisa ka qeybgashay.

Madaxda soo dhaweynta qeybta ka ahayd waxaa ku jiray Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweyne ku xigeenka, Cabdixakiin Dhoobo-Daareed, afhayeenka baarlamaanka iyo xubno kale.

Mudadii uu ku sugnaa dalalkaasi uu booqday waxa uu madaxweyne Deni kala soo hadlay arrimo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo cilaaqaadka labadda dhinac.

Intii uu joogay Shiinaha, waxaa la isku raacay in magaalo hoos-timaada gobol ka tirsan dalkaasi, lala mataaneyso Galkacyo si lamid ah iskaashi dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo magaalooyinka. [Halkan ka akhriso]

Socdaalkiisii Itoobiya, shirkada diyaaradaha dalkaasi ee Ethiopian Airlines ayuu madaxweynuhu kala soo hadlay sidii ay duulimaadyo joogto ah uga hirgelin lahayd degaanada Puntland.

"Wixii warbixin ah oo ku saabsan safarkeyga waxaan iyaga oo fahfaahsan la wadaagi doonaa dowlada iyo shacabkaba," ayuu madaxweyne Deni u sheegay saxaafadda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM