Deni oo la kulmay Madaxda Rugta Ganacsiga Abu Dhabi [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ABU DHABI - Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka ayaa maanta la kulmay madaxda sare ee Rugta Ganacsiga Abu Dhabi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Rugta ay ku leedahay Abu Dhabi, ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirada Duulista Hawada, Ganacsiga iyo Dekadaha iyo sidoo kale la-taliyeyaashiisa amniga iyo ganacsiga.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lagaa xiriirka ganacsi ee Puntland iyo dalka Imaaraadka oo taageero dhinacyda amniga iyo horumarinta mudo la garab taagnaa Soomaaliya, oo ah wadan dagaal sokeeye kusoo kabanaya.

Qoraal Rugta Ganacsiga Abu Dhabi soo saartey ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid mira-dhal ah, oo diiradda lagu sarey arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin, isdhaafsiga Ganacsiga iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee Puntland iyo Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa cilaaqaad taariikhi ah la leh Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Puntland oo xiriir badeed iyo dhawaansho kala dhaxeeya, islamarkaana gacan ka siiyay dhinacyo badan, oo kamid tahay dhismaha ciidanka badda ee PMPF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM