Deni oo la kulmay Madaxda Rugta Ganacsiga Abu Dhabi [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ABU DHABI - Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka ayaa maanta la kulmay madaxda sare ee Rugta Ganacsiga Abu Dhabi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Rugta ay ku leedahay Abu Dhabi, ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirada Duulista Hawada, Ganacsiga iyo Dekadaha iyo sidoo kale la-taliyeyaashiisa amniga iyo ganacsiga.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lagaa xiriirka ganacsi ee Puntland iyo dalka Imaaraadka oo taageero dhinacyda amniga iyo horumarinta mudo la garab taagnaa Soomaaliya, oo ah wadan dagaal sokeeye kusoo kabanaya.

Qoraal Rugta Ganacsiga Abu Dhabi soo saartey ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid mira-dhal ah, oo diiradda lagu sarey arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin, isdhaafsiga Ganacsiga iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee Puntland iyo Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa cilaaqaad taariikhi ah la leh Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Puntland oo xiriir badeed iyo dhawaansho kala dhaxeeya, islamarkaana gacan ka siiyay dhinacyo badan, oo kamid tahay dhismaha ciidanka badda ee PMPF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM