Deni oo la kulmay qaar ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Jubaland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudenayaal ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda Puntland, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Siyaasiyiin Xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa.

Kulanka ayaa intuu socday waxaa lagu lafa-guray xaaladda guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay warbixinta Hogaanka dhaqanku siiyeen, wuxuuna kula dardaarmay illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka.

"Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka Jubaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland".

Deni oo Kismaayo kaga qeybgalay Caleema saarka Axmed Madoobe, ayaa kadib wuxuu kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo Madaxda maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM