Dowladda maalgelineysa dhismaha dekadda Garacad oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Arbacadii booqasho ku tegay magaaladda Garacad ee Gobolka Mudug.

Garoonka Diyaaradaha ee Garacad waxaa Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa ku soo dhoweeyay Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada Garacad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Deni ayaa kormeeray Qalabka iyo Warshada diyaarinaysa Dhagaxa iyo Ciida lagu dhisayo Dekadda Garacad, kadibna wuxuu Madaxweynuhu u gudbay halka laga dhisayo Dekadda oo uu kaga qeybgalay Xafladda daahfurka wejiga labaad.

Madaxweyne Deni sheegay in Dhismaha Dekadda Garacad muhim u tahay Puntland, isagoo bogaadiyay Ganacsatada isu taagtay iyo dhammaan cidkasto ka qeyb qaadatay inuu hirgelinta Mashruucaan.

Dhinaca kale, hogaamiyaha maamulkan ayaa shaaca ka qaadey in mashruucaan ay hirgelin doonto dowladda Itoobiya iyo ganacsato u dhalatay waddankaas.

"Waa in aan kala saarno sida ay dadka qaarkii aaminsan yihiin oo ah in hadii dalkaaga la maalgashto lagaa qaadanayo dhulkaaga, sidaasina ma ahan," ayuu hadalkiisa daba dhigay madaxweynuhu.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Xubno ka tirsan labada Gole, Maalgashadayaal ka socda Wadamo kala duwan, Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland iyo xubno kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM