Deni oo shaaciyey in dowladiisa ay ahmiyadda siineyso dhalinyaradda

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Puntland kala qayb galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah ee Dhallinyarada.

Munaasibadda lagu xusayey maalintani ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kasoo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Kooxda fanka ee Mahuraan, Abwaaniin, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni ayaa khudbad tariikhi ah ka jeediyey Xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada, waxaana uu ugu hambalyeeyey maalintani mihiim ka ah.

"Marka ugu horaysa hambalyo maalinta Dhallinyarada Adduunka oo ah maalin ku astaysan in la xasuusto dhallinyarada doorkooda, laguna baraarugo waxqabadkooda, waxaan rabaa halkan inaan ka sheego kooxda Mahuraan inay ka Tirsan tahay Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maanta wixii ka dambeeya, waxay noqondoontaa Hay'adda raacsan Wasaaraddaas, miisaaniyaddeeda iyo waxtarkeeduna Wasaaradda ayaa loo xilsaaray"

"Dhallinyaradu waa Xooggii dalka, xagan waxaa lagu dhigay "Dhulku Waa Dhallinyaro" balse waxaan runtii aad uga xumahay in dhallinyaradii ay aad hadda ugu jihaysatey waxyaabaha maandooriyayaasha ah oo dalka ku soo badanaaya oo runtii aanay ahayn dhaqan, akhalaaq, diin iyo feker dadkeenu lahaan-jireen, dadkan waa dad Muslimiin ah waa dad dhaqanka ku adag, waa dad suugaantooda iyo waxgaradkoodu ay u diyaariyeen umad nool inay noqdaan, dhallinyaro fursad baad weli haysataan. Dowladda aan anigu hadda Madaxda ka ahay muhiim bay u tahay dhallinyaradu maxaa yeelay 75% haday bulshada dhallinyaradii yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada marka," ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo kahadlaya fursadaha shaqo ee ka jira dalka ayaa tilmaamay in Puntland ay tahay meel loo soo shaqo tago, balse dadkeedu aanay fahansanayn fursadaha jira iyo abuuridda shaqooyinka.

"Puntland waa loo soo shaqotagaa, marka ma noqonayso dadka reer Puntland shaqo mahaystaan, dalalka la leeyahay dadkoodu shaqo ma ahaystaan xitaa waxay la'yihiin musqul ay dhaqaan, meel ay ka shaqeeyaan maleh, wuxuu sugayaa nin ka tegey shaqo, mid dhintay iyo mid hawlgabnoqday shaqadiisa, shaqo la'aanta la sheegayaa waa taas, laakiin umad aan waxbaba ka shaqaynayn oo hadana oranaysa shaqo la'aan baa nahaysa waa mushkilad, arrintaasi waxa ay u baahan tahay in si gaar ah loo baaro weliba Wasaradaha ay khisayso.

"Hay'addaha waxaan ka codsanayaa in mashariicdooda ay ku saleeyaan baahida halkan ka jirta. Waxaan aad uga xumahay in shaqooyinku iska noqdaan wax-baa sidaa la yeeli jirey, waxaan rabnaa inaan noqono umad wax-soo-saar leh oo maskaxda ka shaqaysa, baahida qeexda, waddo xal ahna keenta oo aan la oran saas ayaa la yeelijirey. Waxaan rabnaa Puntland Dhallinyaradeeda dhainaca Ciyaraha inay Kaalinta Koowaad ahaato, Dhaninaca aqoonta kow noqoto, dhinaca arrimaha bulshada iyo meelaha laga muuqdo ay noqdaan dadleh hogaamin iyo feker muqleh, Soomaaliya sidii midnimadeeda loo soo celin lahaa inay doorweyn ka qaadato ayaan rajaynaynaa Insha Alla, 13kii dhallinyarada ahaa ee SYL fekerkoodu Puntland ayuu ka bilaabmay Soomaali oo dhanna waa ay ahaayeen," ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray barnaamij lagu tababarayo dhallinyaro xirfadda gacanta ee Korontada, samaynta Telefoonada iyo xirfado kale oo muhiim ah, waxaa ka faa'iidaysanaya 40 hablood iyo 60 wiil oo dhammaantood dhallinyaro ah, waxaana Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland kala qayb-qaadanaya Hay'addaha Horn Fishion iyo UNICEF.

Puntland State House

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM